Aadaan yabaal (KAAB TV) -Dowladda Soomaaliya ayaa sheeegtay in howlgal culus oo ka dhacay Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay ku burburisay xarumo ay Al shabaab ku keydsanaayeen hubka.
Duqeymaha ayaa si gaar ah uga dhacay Xaafadda Howlwadaag ee magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyada oo uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala beegsaday xarruumo ay ku sugnaayeen AS oo ku yaalla gudaha magaalada Aadan Yabaal.
Sidoo kale, Dowladda ayaa sheegtay in xarruumaha la burburiyay ay AS u adeegsan jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka.
Sida ay saraakiishu sheegeen, weerarkan cirka ah ayaa qayb ka ah howlgal ballaaran oo lagula dagaallamayo Al-Shabaab, loogana hortagayo khataraha ay ku hayaan nabadda iyo xasilloonida dalka.
Ma jiraan warar madax bannaan oo ka soo baxay khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray kooxda Al-Shabaab ama dadka rayidka ah ee deegaanka, hase yeeshee dowladda ayaa sheegtay in duqeyntu si taxaddar leh loo fuliyay si aan waxyeello loogu geysan dadka deegaanka.
Howlgallada noocan ah ayaa si joogto ah uga socda qeybo badan oo ka mid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, iyadoo dowladda federaalku ay sheegtay inay ka go’an tahay in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada.

