Kaalinta Soomaaliya ku laheyd xurnimada dalka Jabbuuti

|

Jabbuuti KAAB TV) -Jabbuuti waxay xornimada heshay 27-kii June 1977, balse waddada ay ku gaartay madax-bannaanidaasi ma ahayn mid sahlan. Soomaaliya, oo 17 sano ka hor xorowday, waxay door muuqda ka qaadatay halgankii gobonimo doonka ee walaalaheeda Jabuuti.

Dowladdii Soomaaliyeed ee dhalatay 1960-kii waxay Jabuuti u aragtay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliyeed. Taasi waxay horseedday taageero joogto ah oo siyaasad, dhaqaale, iyo mid diblomaasiyadeedba leh oo ay siiso dadka iyo ururrada Jabuuti u dagaallamayay xorriyaddooda.

Aftidii Faransiisku qabtay sanadihii 1958 iyo 1967 kii, Soomaaliya waxay si adag uga hortagtay natiijooyinka la sheegay, iyadoo ku doodday in rabitaanka shacabka la musuqay. Warbaahinta Soomaaliyeed ayaa si buuxda u garab istaagtay dadka Jabbuuti iyadoo codkooda kor loogu qaaday fagaarayaasha caalamiga ah.

Marka laga billaabo sanadihii 1970 meeyadii Diblomaasiyadda Soomaaliya waxay aheyd mid xooggan, waxaana ay fagaareyaasha Caalamiga gaar ahaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ka taageeraysay  Jabbuuti.

Guushaas la sugayey waxay timid 27-kii Juun 1977, iyadoo magaalada Muqdisho noqotay meelaha ugu horeeyay ee looga dabaal dagay maalintaasi wayn.

Hoggaamiyeyaal Soomaaliyeed ayaa ka qeybgalay xuskii madax-bannaanida, calankii Soomaaliya-na waxa uu la laalay calanka Jabuuti muujinaya xiriirka aan go’nayn ee labada shacab.

Soomaaliya sidaasi ugama harin Jabbuuti ee waxaa ay markasta la garab taagneyn codkeeda iyo awoodeeda, iyaga oo noqday laba dowladood oo walaalo ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News