GAROOWE (KAAB TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in ay siyaasiyiin ku howlan inay si sharci-darro ah ciidamo uga qoranayaan Puntland, isagoo ku tilmaamay fal fool xun oo aan la aqbali karin.
Madaxweyne Deni wuxuu si toos ah eedda ugu jeediyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee reer Puntland, isagoo ku booriyay in haddii ay hayaan aragtiyo ama dhaliilo siyaasadeed, ay si nabad ah u soo bandhigaan.
“Laga yeeli maayo qof kasta oo doonaya inuu burburiyo nidaamka dowladeed ee Puntland. Ma jiri doonto in gacmaha laga laabto cid kasta oo ku xad-gudubta dastuurka iyo sharciga dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Wuxuu sheegay madaxweyne Deni in qaar ka mid ah dadka ku lugta leh qorista ciidamada ay haystaan xasaanad. Wuxuu tilmaamay haddii maamulka uu tallaabo ka qaado, dadkaasi in laga dhigi karo in dowladdu ay caburinayso dadka ka aragtida duwan.

