Moqokor(KAAB TV) –T Faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, kaas oo si xooggan looga dareemay magaaladas oo ay saldhig u ah ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.
Qaraxa ayaa ahaa gaari laga soo bixiyay waxyaabaha qarxa waxaana lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidan iyo dad shacab ah, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Xaaladda goobta ayaa weli kacsan, waxaana haatan socda gurmad deg-deg ah loo fidinayo dadka ay waxyeellada soo gaartay.
Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xaaladda ka dhalatay weerarka qaraxa ah oo waxyeello xoogan gaystay, laguna beegsaday goob muhiim ah.
Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay inay dib ka faah-faahin doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxa, maadaama u socdo howlgal iyo gurmad ay fidinayaan ciidanka
Moqokori ayaa ah degmo muhiim ah oo saldhig u ah ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda, waxaana in muddo ah ka socday abaabul culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, iyada oo muddooyinkii laga qorsheeyay howlgallo lagu naafeeyay kooxaha argagixisada.
ALshabab ayaa hadda u muuqata inay qaraxan kala gol-leedahay inay isaga yareyso culeyska ay wajaheyso, maadaama howlgalladii ugu dambeeyay jab culus lagu gaarsiiyay.
gobolka Hiiraan waxaa in muddo ah ka socday guluf culus oo ay qayb ka yihiin dadka deegaanka.
Sidaan oo kale waxay marar badan qaraxyo ismiidaamin ah Al-Shabaab uga fuliyeen magaalada Beledweyne oo iyadana laga abaabulay howlgallo culus oo dad badan ay ku dhinteen

