LAASCAANOOD (Kaab TV) – Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo, Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) ayaa ka horjeestay qorshaha ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan qabanqaabada shir la sheegay in la isugu keenaayo Sool, Sanaag iyo Cayn.
Shiine oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa sheegay inaysan raali ka ahay in faragelin ay daneysi la socoto Dowladda Federaalka ku yeelato arrimaha SSC-Khaatumo.
“Wax shir ah oo aan aqoonsanahay oo ka horeeya shirka weyn ma jirto. Sidaa darteed markhaati kama ahaan karno,” ayuu yiri Shiine.
Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka kaliya ay tahay inay taageero iyi fududeyn geysato balse aysan ahayn inay faraha lagasho arrimaha deegaanka dhexdiisa.
Hoggaamiye ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo, Maxamed Cabdi Ismaaciil (Shiine) waa mas’uulkii ugu sarreeyay ee ka hor yimaada qorshaha hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo tan iyo intii lagu dhawaaqay maamulkan cusub, oo ay dhowaan Dowladda Federaalka Soomaaliya u aqoonsatay maamul ku-meel-gaar ah.
Wuxuu ku eedeeyay Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo inuu ku biiray xisbiga madaxweyne Xasan Sheekh Maxauud, sidaa darteedna uu doonayo inuu Xasan Sheekh uga ol’oleeyo deegaanada SSC-Khaatumo.
“Mudane Cabduqaadir Aw-Cali wuxuu ku biiray xisbi siyaasadeed oo gaar ah oo ajendihiisu uu doonayo inuu isna halkan kaga hirgaliyo, oo aan danta dalka, iyo deegaanka waafaqsaneyn,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Hoggaamiye Xigeenka SSC-Khaatumo.
Shiine waxaa garab taagnaa Cabdirisaaq Khaliif oo ka mid ah siyaasiyiinta rug caddaaga ee wax ka aas-aasay maamulka SSC-Khaatumo, kana mid ahaa siyaasiyiinta Dhulbahante ee kasoo baxay Somaliland intii uu socday dagaalkii Laasxaanood ee 2023.
Xiisad aad u adag ayaa hareyneysa maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya dooneyso inay ka dhigto maamul ay ku mideysan yihiin goboladda Sool iyo Sanaag.
Waxaa socday qabanqaabo shirweyne la sheegay inuu qabsoomi doono 15ka bishan Luulyo, kaasoo siyaasiyiinta iyo odayaasha labada deegaan isugu iman doonaan, iyadoo dowladda federaalka ay hormuud ka tahay.
Hase ahaatee waxaa durba jira xiisad ka dhalatay arrinkan iyadoo siyaasiyiin iyo ciidan hubeysan la sheegay inay gaareen gobolka Sanaag dhowaan taasoo dadka deegaanku diideen.
Sidoo kale Puntland oo qeyb ahaan ka talisa gobolka Sanaag ayaa ka horjeesatay qorshaha shirka Sanaag ee ay dowladda Muqdisho horboodeyso.

