SO | EN

SO | EN

Afar ku dhimatay dagaal ka socda degmada Wadajir ee Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaal culus oo ka qarxay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho maanta oo Talaado ah.

Goobjoogayaal ayaa Kaab TV u sheegay in dagaalku uu ka bilawday ka dib weerar ay ciidan boolis ah oo doonayay dhul ku yaalla aagga xaafadda Tarbuush ee degmada Wadajir ay ku qaadeen ciidan kale oo isugu jira maleeshiyo beeleed iyo ciidan militari ah oo goobta ku sugnaa.

Cabdiraxmaan Maxamed oo noo sheegay inuu ku nool yahay meel ku dhow goobta uu dagaalku ka qarxay ayaa sheegay in ciidamada booliska ay wateen cagaf cagafyo, iyagoo aroortii hore ku soo jarmaaday goobta.

“Ciidamo wata cagafyo ayaa goobta yimid iyadoo dadka ay hurdaan. Waxay rasaas ku bilaabeen ciidamo kale oo goobta ku sugnaa,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dadka ay guryahooda ku gabanayaan, isla markaana dagaalka uu yahay mid xooggan oo rasaas culus ay dhacayso.

Lama oga khasaraha gaaray shacabka, iyo haddii dadka dhintay ay ku jiraan shacab iyo in kale.

Dhul boob xooggan ayaa ka socday Muqdisho labadii sano ee lasoo dhaafay, kaasoo uu waday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno qoyskiisa ah.

Sidoo kale Premier Bank oo gacan saar la leh qoyska Xasan Sheekh iyo xubno dowladdiisa ah ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyaan iibinta dhulalka dowladda oo badankood ah dhulal dan guud ayna sharci darro tahay in dad gaar ah laga iibiyo.

Boobka dhulalka waxaa horey uga digay siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ku mideysan yihiin madaxdii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dagaalka maanta ka socda Muqdisho illaa hadda kama aysan hadlin dowladda Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News