Muqdisho (Kaab TV) – Sida ay muujineyso saadaasha cimillada maalmaha soo soca, waxaa roobab dabeyl wata ay ku soo fool leeyihiin magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobollada koonfurta ee dalka.
Satellite-ka saadaasha cimillada ayaa muujinaya in roobabku ay ka iman doonaan dhanka badweynta Hindiya ayna sidoo kale ka di’i karaan gobollada koonfurta kaga beegan Muqdisho.
Maalmaha Axadda, Isniinta iyo Talaadada ayey sii di’i doonaan roobabkan la saadaalinayo. Waxaana suuragal ah in dabeylo xoogan ay la socdaan.
Badi gobollada bartamaha iyo waqooyiga ayay ka dhici doontaa dabeyl xooggan balse aan wadan wax roob ah, sida ay muujineyso saadaasha.

Dhanka Itoobiya
Buuraleyda Itoobiya iyo agagaarka magaalada Addis Ababa ayey sidoo kale ka di’i doonaan roobabka, waxaana suuragal ah inay sababaan biyo badan oo ku soo rogmada labada Webi ee Jubba iyo Shabeelle oo ka yimaada dhanka Itoobiya, soona mara gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose.

Roobabka ayaa Jimcihii 28ka Abriil ka bilawday magaalada Muqdisho. Waxaana ay durba saameyn ku yeesheen qeybo ka mid ah degmooyinka caasimadda oo guryo ay ku burbureen maadaama ay la socdeen dabeylo xooggan.