SO | EN

SO | EN

Xaalada degmada Beledxaawo oo kusoo noqotay mid caadi ah kaddib dagaallo ka dhacay

|

Beledxaawo (KAAB TV) – Magaalada Beledxaawo waxaa dib ugu soo laabtay dadkii shacabka ahaa ee ka barakacay kaddib dagaalkii ku dhexmaray ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland.

Sidoo kale, Boqolaal shacab ah ayaa saacadihii la soo dhaafay ka soo gudbay xadka Mandheera, halkaasoo ay maalmihii la soo dhaafay uga qaxeen dagaalka Beledxaawo.

Dhinaca kale, Saraakiisha ciidanka ee uu hoggaamiyo Taliyaha NISA ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada iyo ciidanka amniga.

Askarta Dowladda Federaalka ayaa maalmo ka hor si buuxda ula wareegtay Xarunta degamda, Saldhiga ciidanka iyo Xarunta Hay’adda Socdaalka oo ay hore u haysteen Jubbaland.

Cabdirashiid Janan oo ah Madaxa Hay’adda NISA ee gobolka Gedo ayaa sheegay in cafis loo fidiyay ciidanka Jubbaland ee kula dagaallamay gudaha magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Wuxa uu sidoo kale, sheegay in wixii hadda ka dambeeya laga wada shaqeynayo nabadda iyo xasilloonida gobolka Gedo, isla markaasna bulshada aayahooda ka tashanayaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News