Muqdisho (KAAB TV) – Dowladda Soomaaliya, ayaa sanado kaddib dib u furtay waddada ka baxda tarabuunka ee aada Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, wadadaasi ayaana aheyd sanado badan mid aysan gaadiidka iyo sidoo kale mootooynka isticmaalin.
Sidoo kale, Furitaanka wadadan ayaa keentay cariiri iyo jaam badan oo lala mari waayay isgooska Tarabuunka, maadaama gaari iyo mooto kasta waajib ku aheyd in uu maro isgooska Tarabuunka oo xiliyada qaar jaam dartiis saacado dadka ku qaadaneysay in ay ka gudbaan.
Dhanka kale, darawalada gaadiidka mooto bajaajta iyo dadweynaha caadiga ah ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyay in dib loo furo wadadaasi, waxa ayna sheegeen in cariirigii badan ay ka jiray magaalada uu hadda kala yaraanayo maadama wadadan dib loo furay.
Wadadan, ayaa la xiray markii kooxda Al Shabaab ku hanjabeen in ay weerar ku qaadayaan isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxa ayna xiritaanka wadadan keentay cariiri iyo saxmad badan, taas oo hadda dowladda meesha ka saartay.
Sikastaba, madaxda dowladda ayaa marar badan ballanqaaday in la furi doono wadooyin badan oo magaalada kuyaalla oo dhagxaan loogu xiray xaalado amni darteed, waxaana hadda caasimadda ka muuqata xaalad amni oo loo riyaaqay, kaddib markii ciidamada iyo kaamirooyina waddooyinka lagu xiray, si adag ushaqeeyeen.

