waxaa sii kordhaya Eedeymaha Ku Saabsan Is-Diiwaangelinti ka dhacday Muqdisho

|

Muqdisho (KAAB TV) –Qaar ka mid ah shacabka kunool magaalada ayaa sheegay inay jiraan dad si qasab ah oo lagu sameeyay dadkii is-diiwaangeliyay doorashada deegaanka ee ka socotay caasimadda soomaaliya ee muqdisho.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay wajigii is-diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee magaalada Muqdisho, islamarkaana doorashada Golaha Deegaanka ee caasimadda lagu qaban doono bisha Oktoobar ee sanadkan.

Doorashadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee noocan ah oo ka dhacdo Muqdisho tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo la filayo in ay horseeddo nidaam degmooyin leh oo lagu maamulo caasimadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News