MUQDISHO (Kaab TV) — Hay’adda Qaxootiga ee Norway (NRC) ayaa Isniinta maanta ku dhawaaqday in hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelinta gargaarka bani’aadantinimo uu sababay in in ka badan 300,000 oo qof oo Soomaaliyeed laga jaro sahayda biyaha nadiifka ah, taas oo sare u qaaday cudurrada laga hortagi karo sida daacuunka iyo shuban biyoodka daran.
Qaramada Midoobay ayaa sanadkan horraantiisii codsatay gargaar dhan 1.42 bilyan oo doollar si loogu caawiyo 4.6 milyan oo Soomaali ah, balse illaa hadda waxaa la helay oo kaliya 17 boqolkiiba.
Adeegyada biyaha, nadaafadda iyo fayadhowrka ayaa ah kuwa ugu daran ee saameeyay, iyagoo helay wax ka yar 12 boqolkiiba lacagtii loo baahnaa.
Hay’adaha gargaarka ayaa sheegay in ay qasban yihiin in ay joojiyaan adeegyo badan, taasoo malaayiin qof ka tagtay iyagoo aan taageero haysan.
“Hoos u dhaca gargaarka bani’aadantinimo ee Soomaaliya ma micnaheedu waa dadku uma baahna gargaar, balse wuxuu ka dhigan yahay in in ka badan saddex milyan oo Soomaali ah lagu qasbi doono in ay naftooda u tashadaan,” ayuu yiri Maxamed Cabdi, agaasimaha guud ee NRC ee Soomaaliya.
“Jarista taageerada waxay ku kacaysaa nolosho. Horeba waxaan u aragnaa kororka dhimashada carruurta yaryar ee biyo wasakhaysan ku bukooda,” ayuu sii raaciyay.
Intii u dhexeysay Janaayo iyo Luulyo sanadkan, Soomaaliya waxaa laga diiwaangeliyay in ka badan 6,550 kiis oo daacuun iyo shuban biyood ah, oo ay ku dhinteen sagaal qof.

Bishii la soo dhaafay oo keliya waxaa la diiwaangeliyay in ka badan 1,000 kiis oo cusub, ku dhawaad laba meelood meel oo ah xaalado halis ah, halka badhku ay carruur ka hooseeya shan sano yihiin.
Burburka adeegyada caafimaad ayaa sababay in in ka badan 150 xarun caafimaad ay xirmaan, halka kooxihii caafimaadka guura ee Koonfur Galbeed ay hoos uga dhaceen 74 ilaa 25.
Qoysaska ku nool xeryaha barakacayaasha iyo miyiga abaaruhu ku dhufteen ayaa hadda qasab ku ah in ay saacado lugeeyaan si ay biyo u helaan, mararka qaarkoodna waxay cabbaan biyo aan nadiif ahayn.
“Horay waxaan uga keeni jirnay biyo meel dhow. Hadda saacado ayaan soconaa si aan biyo u helno, mararka qaarna gabi ahaanba biyo ma jiraan. Carruurteennu way bukoodaan, wax aan ka qaban karna ma hayno,” ayay tiri Xaawa Cali, hooyo sideed carruur ah leh oo ku nool xero ku taalla Baydhabo.
Gobollada ugu daran waxaa ka mid ah Bay, Bakool, Gedo, Galgaduud, Hiiraan, Mudug iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo nidaamyada biyaha ay maamulayeen hay’adaha gargaarka balse hadda istaagay sababo la xiriira dhaqaale la’aan.
Deegaannada abaartu ku dhufatay qiimaha biyaha ayaa ku dhowaad laba jibbaarmay, isagoo ka kacay $70 ilaa $130 halkii 10,000 litir, taas oo ka dhigtay kuwo aan la awoodin.
Puntland iyo Somaliland
Puntland, maamulka ayaa sheegay in 800,000 qof ay biyo waayeen, halka Somaliland xaalad abaareed degdeg ah ay 650,000 qof u baahan yihiin gargaar degdeg ah.
“Isku dhaca colaadaha, abaaraha isdaba joogga ah iyo hoos u dhaca taageerada caalamka ayaa Soomaaliya geliyay xaalad halis ah,” ayuu yiri Maxamed Cabdi, agaasimaha guud ee NRC ee Soomaaliya.
Wuxuu intaa ku daray “Maanta waxaan aragnaa carruur tabar daran, jerrycan madhan iyo dhimasho laga hortagi karo. Tani waa musiibo bini’aadanimo oo wali la joojin karo.”

