SO | EN

SO | EN

Wasaaradda waxbarashada Jubbaland oo shaacisay natiijada imtixaanka 8aad

|

KISMAAYO (KAAB TV) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jubbaland ayaa ku dhawaaqday natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee sannad-dugsiyeedka 2024–2025.

Imtixaankan waxaa guud ahaan u fadhiistay 5,053 arday, oo ka kala socday 129 iskuul oo ku yaalla deegaannada maamulka Jubbaland.

Sida ay shaacisay wasaaraddu, 4,996 arday ayaa ku baasay imtixaanka, taas oo u dhiganta 99.0%, halka 57 arday ay ku hareen, oo ah 1.0% dhammaan ardaydii imtixaanka u fadhiisatay.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Jubbaland ayaa ku bogaadiyay ardayda guuleysatay dadaalkooda, iyagoo sidoo kale ku dhiirrigeliyay kuwa ku dhacay inay dedaalkooda sii laba laabaan si ay mustaqbalka u gaaraan guulo waxbarasho.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News