SO | EN

SO | EN

SSC oo fariintii ugu dambeysay u dirtay Soomaaliland

|

Laascaanood (Kaab TV)– Isimida SSC ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa markale ugu baaqay xukuumadda Somaliland iney ciidamadeeda kala baxdo gobolka Sool iyo guud ahaan deegaanada SSC.

Hadlkan kasoo yeeray Isimada reer Laascaanood ayaa umuuqda in uu yahay mid kama dambeys ah oo ay udirayaan Soomaaliland.

Sidoo kale Soomaaliland ayaa horey indhaha ugu qabsatay baaqo ugu imaanayay beesha caalamka si loo dhameeyo colaada ka taagan Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka Guud ee SSC ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay farriintan u dirayaan inta aanay dhibaato badan ka dhicin halkan oo aanay dagaalo dhicin isaga oo hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay difaaca dhulkooda.

Hasayeeshee dagaalka Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa qaatay Saddex bilood ayadoo ay kabarakecee kumanaan qof halka ey kudhinteen intaas in kabadan ilaa hadan mamuuqato ifafaalo lagu gaari karo xal nabadeed.

Sidoo kale waxaa gabi ahaanba waxaa fashilmay waan waano iyo lagu doonayay in ladhex dhigo labada dhinac ee ku dagaalamaya Laascaanood ayadoo mid walbo uu shuruud kuxiray waan-waanta eyna ka dhaga adeegeen wadahadaladda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News