New York (Kaab TV)– Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa Soomaaliya usoo magacaabay Ergey Catriona Laing oo u dhalatay dalka Britain oo noqoneyso Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xoghayaha Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa lagu cadeeyay magacaabista Catriona Laing ayadoo qoraalka lagu sheegay inay leedahy in kabadan 35-sano waayo-aragnimo dhanka diblumaasiyadda horumarka iyo xiriirka caalamiga eyna wax kusoo kordhin doonto xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Antonio Guterres ayaa ka dhawaajiyay in QM ay ka go’an tahay inay taageerto dadaallada heer qaran iyo heer gobol ee lagu ilaalinayo xuquuqda aadanaha laguna dagaallamayo kooxaha nabad diidka ah iyo xagjirnimada rabshadaha wata.
Hasayeeshee Magacaabistan ayaa imaneysa kadib booqasho taariikhi ah oo 11-kii April ee sanadkaan uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka isagoona booqasho kugaaray meelo kamid goboladda dalka.