Mareykanka oo shaaciyay arrin uu la wadaagay Muuse Biixi iyo ballan-qaad uu ka helay

|

Muqdisho (Kaab TV)– Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ay kala hadashay walaaca ay ka qabto dagaalka Laascaanood gaar ahaan dhibaatada bini’adamtinimo ee ka dhalatay dagaalkaasi oo socda muddo ka badan saddex bilood.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraa ay ku baahisay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in madaxa USAID ee Soomaaliya uu madaxweyne Muuse Biixi la wadaagay walaaca ay dowladdiisu ka qabto arrintaasi.

Sida lagu sheegay qoraalka Safaaradda Mareykanka Mudane Biixi ayaa waxa uu ka garaabay soo jeedinta madaxa USAID, isaga oo u ballan-qaaday inuu xabad joojin uu sameynayo iyo sidoo kalena uu diyaarinayo khariidadii doorashada xilli uu soo laba kacleeyay khilaaf la xiriira doorashooyinka maamulka.

Agaasimada USAID ee Soomaaliya Lawrence ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi la wadaagay walaac wayn oo ay ka qabaan saamaynta aadanninimo ee ay sababtay colaadda Laascaanood wuxuuna ku booriyay in xal nabadeed laga gaadho ayaa lagu yidhi qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Dagaalka Laascaanood oo qaatay muddo ka badan saddex bilood ayaa illaa hadda laga garin wax xal ayada oo ciidamada labada dhinac ee halkaasi ku dagaalsan ee Somaliland iyo SSC ay isku horfadhiyaan duleedka magaalada Laascaanood.

Si kastaba, Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Laascaanood waxay Somaliland ku cadaadineysay in ay ka dhabeyso xabad-joojintii ay kal hore ku dhawaaqday, islamarkaana xiisadda taagan xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

DHEERAAD:  Madaxweyne Xasan Sheekh oo dalka Talyaaniga kula kulmaya Madax ka Tirsan Hay’addaha Qaramada MidoobayMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Talyaaniga ayaa waxa lagu wadaa in uu kula kulmo madaxda hay’adda qaramada midoobay ee cuntada iyo Beeraha ee FAO. Kulanka ayaa looga hadli donna dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha Soomaaliya ku dhuftay iyo sidii kaalmo dheeraad ah loo gaarsiin lahaa Soomaaliya si ay abaaraha uga soo kabato. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii uu gaaray dalka Talyaaniga Waxa kulamo uu la qaatay madaxda dalka Talyaaaniga iyo Jaaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas
Stay connected via Google News
Kala soco Kaab TV wararkii ugu dambeeyay.
Add as preferred source on Google

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News