New York (Kaab TV)– Garsooraha New York ee guddoominaya kiis dambiyeedka Donald Trump ayaa Khamiistii weydiistay dacwad-oogayaasha iyo qareenada difaacaya Trump inay isku raacaan waqti ka mid ah bilaha Febraayo ama Maarso ee sanadka dambe amarkan ayaa ka dhigan in maxkamadeynta taariikhiga ah ee la xiriirta lacag aamusin ah oo la siiyey gabar sameysa aflaamta gogol dhaafka ay dhici doonto xilli lagu guda jira doorashooyinka is-reeb-reebka ah ee Xisbiga Jamhuuriga oo Trump uu doonaya inuu noqdo musharaxa kusoo baxa si uu doorashada guud u wajaho madaxweyne Biden.
Hadalladiisa ayaa yimid intii uu socday dhageysigii koowaad ee tan iyo markii Trump la horgeeyey maxkamadda bishii tagtay isaga oo wajahaya 34 xisaab dacwadeed oo ku saabsan inuu ka been sheegay diiwaan ganacsi.
Trump ayaa beeniyey dacwadaha ku saabsan inuu qareenkiisii hore Michael Cohen u celiyey lacag dhan $130,000 oo la siiyey gabadha jisha filimada gogol dhaafka ah Stormy Daniels.