SO | EN

SO | EN

Golaha Wasiirada Puntland oo qaaday tallaabo lagu xalaaleynayo damaca Deni

|

Garoowe (Kaab TV)– Golaha wasiirada maamulka Puntland ayaa ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka maamulkaasi taasi oo ay hore uga digeen mucaaradka Puntland oo ay ku macneeyeen qorshahaan inuu qeyb ka yahay damaca muddo kororsi ee madaxweyne Saciid Deni Shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoomooyiye madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu goluhu cod gacan taag ah ku ansixiyay in wax ka bedel lagu sameeyo Dastuurka islamarkaana xisbiyada siyaasadda maamulkaasi laga dhigo shan xisbi.

Dhinaca kale Shirka Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay qodobo ay ka midyihiin amniga dib-u-dejinta ardeyda ay saameysay xaaladda Sool iyo Sudan dardar-gelinta Doorashada goleyaasha deegaanka Golaha Wasiirada Dowladda Puntland iyagoo , Goluhu wuxuu soo jeediyay in laga dhigo Xisbiyada Siyaasadda 5 Xisbi halka ay awal aheyd 3 Xisbi waxaana soojeedintaas oo si aqlabiyad leh Goluhu u ansixiyey loo gudbinaya Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Hasayeeshee Madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay in qorshahaan uu ka damacsan yahay muddo kororosi uu kasoo shaqeynayay muddo, arrintaasi oo siyaasiyiinta mucaaradka si weyn uga soo horjeedaan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News