SO | EN

SO | EN

Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday isbaaro ciidanka dowladda Waddada Afgooye-Muqdisho

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Kooxda Shabaab ayaa soo weeraray isbaaro ay ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee waddada Muqdisho iyo Afgooye, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedto ku sugan deegaanka ayaa sheegay in fariisinka isbaarada ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda si gaadmo ah ay ku soo weerareen kooxda Al-Shabaab.

Rasaas xooggan ayay dhinacyadu is weydaarsadeen, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay guryahahooda ku jireen.

Maleeshiyaadka Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar ku soo qaaday waddada dheer ee u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyagoo gaaf wareega habeenkii xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha, Xaawo Cabdi illaa Calamada.

Dhanka kale, malleeshiyada Shabaabka ayaa jidgooyooyin ka sameystay waddada Balcad iyo Muqdisho, halkaas oo ay gaadiidka uga qaadaan lacago waddo maris ah.

Gaadiidleyda ayaa Kaab TV u sheegay in Shabaab ay boono siiyaan gawaarida safarka ah ee kasoo baxda Muqdisho, kuwaasi oo sii dhexmara gobollada ay ka taliyaan Al-Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Dhanka gudaha Muqdisho, waxay Shabaab sidoo kale billaabeen in ay habeenkii soo galaan xaafado ka mid ah Muqdisho gaar ahaan Dayniile, Suuqa Xoolaha (Huriwaa) iyo Yaaqshiid, iyagoo mararka qaar lagu arkay masaajidda ay dadka deegaanka isugu yimaadaan.

Booliska dowladda iyo ciidamada NISA ayaa maalinkii ka hawlgala xaafadahan balse dadweynaha ayaa sheegaya inay habeenkii ciidamada isaga soo tagaan degmooyinkaasi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News