Muqdisho (Kaab TV)– La-taliyaha Amniga Qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali ayaa shaaciyay in dowladda ay dalka dib ugu soo celinayso toban kun oo askari kuwaasi oo tababar kusoo qaatay afar dal oo qaar kamid ah yihiin waddamada deriska Ciidankan cusub ee la keenayo dalka ayaa waxay tababar kusoo qaateen dalalka Ethiopia Eritrea Uganda iyo Masar waxaana qarashaadka ku baxaya bixineysa dowladda Imaaraadka Carabta.
La-taliyaha Amniga Qaranka oo wareysi siiyay telefishanka Universal ayaa waxa uu sheegay in dhawaan ciidankan tababarka soo dhameystay lagu soo celinayo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Xuseen ayaa shaaciyay in ciidankaan tababarkooda saanadooda iyo mushaarkooda ay bixineyso dowladda Imaaraadka Carabta oo ayadu kal hore heshiis dhanka militariga la saxiixatay dowladda federaalka Soomaaliya.
Isbuucyada soo socda waxaa soo dhameystirmaya 10,000 Askari oo qarashaadka ku baxaya ay bixineyso dowladda IImaaraadka Carabta ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali La-taliyaha ayaa waxa uu sheegay in dowladda Imaaraadka ay ciidankaan Mushaarkooda bixineyso si kumeel-gaar ah illaa inta ay dowladda federaalka Soomaaliya ay kasoo afjarmayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ay ka wado dalka.