SO | EN

SO | EN

Maxaa kasoo baxay shirka golaha wasiirada?

|

Muqdisho (Kaab TV)– Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kulankoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay xarunta Villa Somalia ee Muqdisho Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyay R/wasaare Xamze Cabdi Barre waxaana goobjoog ahaa ku xigeeniisa Saalax Axmed Jaamac iyo inta badan golaha ugu horreyn golaha wasiirada Soomaaliya ayaa meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban illaa 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka Maaraynta Dakhliga Dalka Iibka iyo Qandaraaska Qaranka Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

R/Wasaare Xamze oo ka hadlay qaraarkan ayaa tilmaamay inuu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud sidoo kale shirka maantra ee golaha wasiirada ayaa waxaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Waxaa sidoo kale isla maanta shirka golaha lagu ansixiyey heshiis is-afgarad dhinacyada caafimaadka iyo shaqo abuurka  oo u dhexeeya Soomaaliya  iyo Qatar iyo siyaasadda qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dhammaan sharciyadaan ayaa waxaa toos loogu sii gudbin doonaan Baarlamaanka Soomaaliya si uu ugu doodo kadibna waxaa saxiixi doono madaxweynaha dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News