Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Xiisadda Puntland oo kasii dareysa iyo Xasan Abgaal oo dalab u direy caalamka

|

Garoowe (Kaab TV)– Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland Xasan Shire Abgaal oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaridsan Deni ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garoowe waxa uu si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Xasan Abgaal ayaa waxa uu sheegay in aan la isku hayn doorashada goleyaasha deegaanka balse ay tahay waxa la isku hayo qorshaha madaxweyne Deni ku damacsan yahay muddo kororsi xilli ay bilooyin ka harsan yihiin muddo xileedkiisa Cid doorasho isku haysa majirto ee waxaa la isku hayaa damaca guracan ee Saciid Deni ee muddo kororsiga waxaa la isku hayaa damaca guracan ee Dastuur furista ah ayuu yiri Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.

Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dalbaday in miiska wada-hadalka la keeno Saciid Deni taasi oo ugu baaqay beesha caalamka iyo odayaasha dhaqanka Puntland si xal masiiri ah looga gaaro labada qoddob ee la isku hayo Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka Puntland ayaa waxa kale oo uu nasiib darro ku timaamay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Saciid Deni ee dagaalka Laascaanood kaasi oo uu ku sheegay inay difaacayaan Laascaanood oo in ka badan saddex bilood ay ku dagaalsan yihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ee SSC waa nasiib darro in nin siyaasi ah oo u jeeda in waxa uu wato uu wax ku gaaro in warar aan jirin uu sheego madaxweyne Deni dagaalka Laascaanood waa la ogyahay meesha uu ka taagna oo wuxuu diiday dowladnimadii Puntland lagu dagaal galo inuu ku faano dad shacab ah o qabaa’il ah uu ku faano waa nasiib darro.

Xasan Abgaal ayaa waxa kale oo uu madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay dayaca ciidanka maamulka Puntland kuwaasi oo muddooyinkii dambe mushaar la’aan u xirtay bara-kontarool oo ku yaalla Garoowe iyo Gaalkacyo ugu dambeyntiina waxa uu shirkiisa jaraa’id kusoo hadal qaaday khilaafka madaxda dowladda federaalka iyo Puntland ayaa waxa uu tilmaamay mid ku saleysan dano shaqsiyadeed oo isku hayaan madaxdaasi oo uusan aheyn khilaaf ku qotoma arrimo masiiri ah xilli ay dhawaan hadallo kulul ay hawada isku mariyeen.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Puntland ayaa kasii dareysa kadib markii uu madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni uu dardar-galiyay damiciisa wax ka beddelka Dastuurka kaasi oo ay meel-mariyeen Golihiisa Wasaaradda hasayeeshee Qorshaha Deni ayaa waxaa si adag uga horyimid mucaaradka maamulkaasi oo ku tilmaamay mid uu ka leeyahay dano shaqsi ah iyo muddo kororsi uu rabo inuu kusii fadhiyo xilka u sareeya Puntland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News