SO | EN

SO | EN

Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray xadka….

|

Dhuusamareeb (Kaab TV) – Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo ka dhacay xadka gobolka Galgaduud kaas oo dhexmaray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kooxda Al-Shabaab dagaalkan oo yimid kadib markii ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay weerar ku qaadeen goobo Shabaab-ka ay ku dhuumalaysanaysay oo dhaca Xadka Gobolka galguduud uu la wadaago Shabeelaha Dhexe deegaankaas oo lagu magacaabo Sabansableey ayay ciidamadu ku weerareen Al-Shabaab goobtaasi ku sugnayd iyada oo halkaas uu ka dhacay dagaal Xooggan oo ay guulo ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa baahisay in jab xooggan Al-Shabaab lagu gaarsiiyay dagaalka kaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac sidoo kale waxay sheegtay in ciidamada xoogga ay ka warheleen in xubno katirsan Al-Shabaab ay isku arruursanayeen deegaanka Sabansableey si ay u sameeyaan arbushaad islamarkaana ay ciidamada ay ka hortageen dhagartooda balse macada qasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalkaas dhanka kle Kooxda Al-Shabaab ayaa ayadana dhankeeda guul ka sheegatay iyo in ey gacanta ku dhigeen gadiid dagaal oo u badan nooca loo yaqaano Cabdibillaha.

Dowladda ayaa sidoo kale waxay sheegtay inuu weli socdo howl-galkan isku rogay dagaalka ee ciidamadu ku qaadeen deegaanka Sabansableey oo dhaca xadka gobolka Galguduud uu la wadaago Shabeelaha Dhexe.

Majiro illo madax-banaan oo illaa hadda si rasmi ah u xaqiijin kara sheegashadan hasayeeshee howl-galada ay ciidamada huwanta muddooyinkii dambe ka wadeen gobolka Galgaduud iyo guud ahaan gobollada kale ee dalka ayaa dardar xooggan ku socday ayada oo dhawaan la filayo inuu si rasmi u billowdo wejiga labaad ee dagaalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News