MUQDISHO (Kaab TV) –Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambaareeyay xarigga iyo sida la sheegay tacaddiga loo geystay darawallada Bajaajta ee ku sugan Muqdisho, kadib markii ay dhigeen dibadbax nabadeed oo ay kaga cabanayeen sare u kaca qiimaha nolosha iyo xaaladaha dhaqaale ee adag.
Bayaan uu soo saaray ayuu Farmaajo ku dhaliilay mas’uuliyiinta inay xireen darawallada oo bannaanbax u sameeyay si ay u muujiyaan walaacooda ku saabsan sicir-bararka iyo duruufaha dhaqaale ee adag.
Wuxuu ugu baaqay dowladda inay si degdeg ah u joojiso waxa uu ku tilmaamay cabburinta dibadbaxayaasha, isla markaana uu ku adkeeyay mas’uuliyiinta inay si dhaqso ah u sii daayaan dhalinyarada la xiray.
Sidoo kale Farmaajo wuxuu ku dhiirrigeliyay darawallada inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan inay si nabad ah ugu doodayaan xuquuqdooda iyo hagaajinta xaaladooda nololeed.
Halkaan hoose ka akhri Bayaanka kasoo baxay Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo:-


