Jubbaland (Kaab TV) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay dib u furista xuduudka Soomaaliya ay la wadaagto wadanka Kenya oo ay heshiis ku gaareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaloya iyo Dowladda Kenya.
Furida Xuduudkan oo xirnaa sanadahii lasoo dhaafay ayaa muhiim u ah isku socodka bulshada labada dhinac gaar ahaan dhinacyada hormarka ganacsiga, iyo is dhaafsiga badeecooyinka kala duwan iyo wadaaga himilooyinka labada shacab ee dariska ah furitaanka xuduudka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo iyo Degmada Mandheera ee ayaa la furi doonaa mudo 30 maalmood ah kadib sidoo kale xuduudka Degmooyinka Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose iyo Libooyo oo katirsan Garissa ayaa la furi doona 60 maalmood kadib.
Sidoo kale -xuduudka Deegaanka Raaskeynbooni ee Gobolka Jubbada Hoose iyo degaanka Kiunga ee Lamu ayaa la furi doonaa 90 maalmood kadib madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada reer Jubbaland ee ku nool deegaanada xuduudka ah inay ka gacansiiyaan hay’adaha amniga ilaalinta nabadgalyada xuduudka iyadoo si wadajir ah looga faa’iidaysanayo furitaanka xuduudka oo ahmiyad weyn oo dhaqaale u leh labada shacab.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Dowlada Federaalka ah iyo Dowlada Kenya heshiiska miro dhalka ah ee ay ka gaareen furitaanka xuduudkan oo mudo dheer xiraa isla markaana ay dhibaato badan ku qabeen ganacsatada iyo Bulshada labada dhinac.