Ceelbuur (Kaab TV)– Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa maanta shaacisay in horjoogayaashii kooxda Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu ku wajahan yahay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.
Hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab ee u dhashay Ceelbuur ayaa isaga baxay degmada habeenadii Axada iyo Isniinta ee todobaadkan, Sida ey sheegtay warbaahinta dowladda.
Sababta ayaa lagu sheegay in ay soo wajahday cabsi xoogan oo ku aadan howlgallada ka socda gobolka, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.
Balse lama oga dhab ahaanshiyaha warka ay sheegtay Warbaahinta ku hadasha afka Dowladda dhanka kale wax war ah kama soo bixin dhanka Kooxda Al-Shabaab oo u ku aadan wararkan ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale warisay in kooxda Al-Shabaab ay ku fashilintay in odayaasha deegaanka ay garab ka hesho, si loogu garab istaago dagaalka iyo difaaca Ceelbuur oo ka mid ah degmooyinka waa weyn ee ay muddada ku sugneyd kooxdu.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa agagaarka degmadaas oo ay kusii jeedaan ciidamada dowladda Soomaaliya.