Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga oo is-casilay isaga oo ka cabanaya Hinda Culusow

|

Riyadh (Kaab TV) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudi Carabiya Saalim Macow Xaaji ayaa sheegay inuu iska casilay xilkaas, isaga oo ka cabanaya Hinda Culusow oo ah madaxa hab-maamuuska madaxweyne Xasan Sheekh.

Saalim Macow Xaaji ayaa qoraal uu soo saaray uga andacooday in laga reebey ka qeybgalka shirka 32-aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah maalinta 19-ka May, 2023.  

“Arintan waxey baalmar ku tahay curfiga diblomaasiyada caalamka oo ah in safiirka dalka martida loo yahay inuu ka mid noqdo shirarka lagu qabanaayo dalkaasi ee uu madaxweynaha ka qeyb galaayo,” ayuu ku yiri qoraalka.

Waxa uu intaas ku daray “waxaan caddeynayaa in madaxa barotokoolka madaxweynaha Hinda Culosow iila dhaqantey si akhlaaq xumo ah, iina geysatey aflagaado.”

Waxa uu sheegay inuu arrintaasi la socodsiiyey wasiirka arrimaha dibadda, balse wasiir Abshir Cumar Huruse uu ka gaabsadey inuu arrintaasi faragelin ku sameeyo.  

Arrimaha uu safiirka sheegay waxaa sidoo kale mid ah inuu yiri “in leyga ilaalinaayey inaan si gaar ah u arko madaxweynaha oo mar kastaba leyga hor istaagaayey inaan u galo meesha ay wafdiga intooda kalena si toos ah loogu fasaxey.” 

“Haddaba anigoo ilaalinaya sharafteyda iyo karaamadey, iyo anigoo tixgelinaya sharafta dowladnimada iyo dibloomaasiyada waxaan go’aan ku gaarey inaan iska casilo xilka danjiraha dalka Sacuudiga laga billaabo maanta oo ay bishu tahay May 22, 2023. Waxaana xilka ku wareejin doonaa ku-xigeenka danjiraha mudane Abshir Warsame Diirshe inta laga magacaabaayo qof kale.”

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Hinda Culusow oo ku saabsan eedeynta uga timid safiirka. 

Hasayeeshee, waxaa xusid mudan in safiir Saalim Macow uu ka mid yahay shaqsiyaadka aad ugu dhow madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana dhawaan la hadal hayey in la beddeli doono.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News