Turkida oo ka walaacsan in ciidankooda loo adeegsado dagaalka Al-Shabaab

|

Xildhibaanada Baarlamaanka Turkey ayaa shalay dood ka yeeshay kordhinta muudada ciidankooda jooga Soomaaliya, iyada oo xukuumadda Erdogan ay hor geysay baarlamaanka soo jeedin in muddo labo sano ah lo kordhiyo muddada joogitaanka ciidanka Turkey ee gudaha Soomaaliya,

Doodda soo jeedinta ayaa dhalisay in baarlamaanka Turkey ay is weydiiyaan halista ay wajahayaan ciidankooda jooga Soomaaliya, kuwaas oo ay ka digeen inay ku dhiman karaan dagaalka ay wadaan kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanta inta badan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Namik Tan, oo ah xildhibaab ka tirsan xisbiga mucaaradka ee CHP kana soo jeeda Istanbul, isla markaana hore u soo noqday safiir, ayaa sheegay in xisbigiisu mar walba taageero hawlgallada nabad ilaalinta iyo la dagaallanka argagixisada, balse uu diidan yahay qaabka mooshinkan loo soo bandhigay.

“Waxaad hortayada keenteen mooshin ku saleysan heshiis aan weli nuxurkiisa la ogeyn, inkastoo ay laba sano iyo bar ka soo wareegtay markii la saxiixay,” ayuu yiri.

Heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Turkey ayaan illaa hadda caddeyn waxa ku qoran, iyada oo sidoo kale su’aal ay ka taagan tahay dhex dhexaadnimada hawlgalka Turkey ee gudaha Soomaaliya.

Xildhibaanada qaarkood ayaa su’aal ka qaba sababta muddo laba sano ah loogu kordhinaayo ciidanka Turkey, halkii sanad kasta dib loogu cusboonaysiin lahaa.

Namik Tan ayaa sheegay in xaaladda amni ee gobolka oo si degdeg ah isu beddeleysa, oo ay ka mid yihiin colaadda Yemen, xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya, Somaliland iyo Itoobiya, iyo burcad-badeednimada weli taagan, ay u baahan tahay in baarlamaanku sanad walba dib u eego hawlgalka.

DHEERAAD:  Dowladda Somaliya oo soo bandhigtay xubna AS ah oo Gacanta Dowladda soo Galay
Namik Tan, oo ah mudane ka tirsan xisbiga mucaaradka ee CHP
Namik Tan, oo ah mudane ka tirsan xisbiga mucaaradka ee CHP.

Turhan Çömez oo ka tirsan xisbiga IYI, kana hadlayay diidmada mooshinka, ayaa ka digay in dagaallada sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada Soomaaliya ay halis toos ah ku noqon karaan ciidamada Turkiga ee la geeyo Soomaaliya, ayna halis tahay in askarta Turkey loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Maxaa faa’iido ah?

Xildhibaanada Turkey ayaa ku dooday in la isweydiiyo waxa faa’iido dhaqaale iyo mid istaraatiiji ah ee Turkigu ka helay hawlgalladii hore ee uu ka qeybgalay, waxayna dalbadeen sidoo kale in la caddeeyo in diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa dagaalka ee F-16 ay qayb ka noqon doonaan ciidanka ka hawlgalaya Soomaaliya.

Sevilay Çelenk oo ka tirsan xisbiga DEM ayaa sheegtay in xisbigeedu uusan waligiis helin xog rasmi ah oo ku saabsan tirada ciidamada Turkiga ee ku sugan Soomaaliya. Waxay ku doodday in mooshinkani uu muujinayo siyaasad dibadeed oo sii kordheysa ku tiirsanaanta awoodda milatari.

“Nabadda laguma gaari karo iyadoo la xoojinayo awoodda militari,” ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in xisbigeedu aaminsan yahay in amniga lagu dhisi karo diblomaasiyad, maamul dimuqraadi ah iyo qaybsiga caddaaladda ku dhisan ee kheyraadka.

Baarlamaanka Turkey ayaa ugu dambeyn meelmariyay soo jeedinta Erdogan.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay Soomaali badan shaki ka qaadeen isla markaana ay si weyn u dhaleeceeyaan Turkida, ka dib markii diyaaradahooda ay duqeyn ku laayeen dad shacab ah oo Soomaaliyeed gobollada Shabeellaha Hoose, Shabeellaha Dhexe iyo gobolka Baay.

Shacabka Muqdisho qaarkood ayaa hadda u arka Turkida nooc cusub “oo gumeysi ah” oo qabsaday Soomaaliya, uiyagoo tilmaamaya heshiisyo qarsoodi ah oo la xiriira kheyraadka Soomaaliya sida shidaalka, kalluumeysiga iyo saldhigyo ciidan oo la galeen xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud..

DHEERAAD:  WARKA KAAB TV 30-01-2024

Sidoo kale waxay siyaasiyiinta mucaaradka iyo dowlad gobolleedyada Soomaaliya qaarkood walaac ka muujiyeen sida turkida ugu milmeen khilaafaadka siyaasadeed iyo midka qabaa’il ee Soomaaliya, iyada oo Turkida la safteen qaar ka mid ah qabiilada iyo siyaasiyiinta is haya, taasoo sababtay colaadda ka taagan Koonfur Galbeed, Puntland iyo xitaa Somaliland.

Waa imisa ciidamada Turkey ee jooga Soomaaliya?

Dowladda Turkiga si rasmi ah uma shaacin tirada saxda ah ee ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya, waxaana xogtan lagu tilmaamaa mid sir ah. Arrintan ayaa noqotay mid ay si weyn u dhaliilaan xisbiyada mucaaradka ee Baarlamaanka Turkiga, kuwaas oo sheegay in xitaa baarlamaanka aan la siin xog cad oo ku saabsan tirada ciidamada.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinno ka soo baxay xarumo cilmi-baaris iyo falanqeyn amni ayaa qiyaasaya in kahor 2025 ay Soomaaliya joogeen qiyaastii 400 askari oo Turki ah.

Horraantii 2025, Turkigu wuxuu kordhiyay ciidamadiisa oo la gaarsiiyay ilaa qiyaastii 800 askari.

Sidoo kale bishii Abriil 2026 waxay Turkida keeneen saddex diyaaradood oo nooca F16 iyagoo sidoo kale horey u keensaday diyaaradaha drones oo duqeymo sameeya, kuwaas oo ay sheegeen inay ku taageerayaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News