Xog Dheeraad ah: Duqeyntii Turkey ee lagu beegsaday Gen. Shub ee Doolow

|

Faahfaahin dheeraad ah ayuu Kaab TV ka helay duqeyn cirka ah oo ay Turkey ka fuliyeen degmada Doolow ee gobolka Gedo habeenimadii Khamiista, 3 September 2026.

Duqeyntan oo dhalisay dareen walaac leh ayaa lala beegsaday guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya, Gen. Mahad Cabdiraxmaan, oo loo yaqaan “Gen. Shub”, ahna hoggaanka mucaaradka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Turkida illaa hadda ma qiran mana beenin inay duqeynta iyaga fuliyeen.

Duqeynta ayaa sidoo kale waxyeello gaarsiisay guriga Guddoomiyaha degmada Doolow ee maamulka Jubaland iyo xarunta Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP oo goobta ku dhow. Sidoo kale, goobta ay duqeyntu ka dhacday waxaa ku dhow garoonka diyaaradaha Doolow, oo ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Doolow waa magaalo ay saldhigyo ku leeyihiin hay’adaha samafalka ee ka howlgala koonfurta Soomaaliya, isla markaana hoy u ah kumannaan qof oo barakacayaal ah oo colaadda iyo gaajada kasoo cararay.

Maamulka Jubaland ayaa khasaaraha ka dhashay duqeynta ku sheegay shan qof, kuwaas oo uu ku jiro Gen. Shub iyo afar qof oo rayid ah.

Gen. Shub, xaaskiisa iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay weerarka, sida ay Kaab TV u sheegeen saraakiil ku dhow madaxweynihii xilka laga tuuray ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Duqeynta Doolow oo lala beegsaday guriga Gen. Mahad Cabdiraxmaan "Gen. Shub".
Duqeynta Doolow oo lala beegsaday guriga Gen. Mahad Cabdiraxmaan “Gen. Shub”.

Kaab TV ayaa hadda markii ugu horreysay heshay xog dheeraad ah oo aan hore loo shaacin, taas oo tilmaamaysa qaabka loo qorsheeyay loona fuliyay duqeyntan.

Kulankii Muqdisho

Fiidnimadii Khamiista, 3 September, ayaa kulan amni ka dhacay Muqdisho, kaas oo ay ka qeyb galeen saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha amniga Soomaaliya.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta isku-dubaridka hawlgallada ee Turkey iyo Soomaaliya oo ku taalla gudaha xeyndaabka aadka loo ilaaliyo ee garoonka diyaaradaha Muqdisho, sida uu Kaab TV ka soo xigtay sarkaal ka tirsan NISA oo codsaday inaan magaciisa la shaacin.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka; Axmed Cabdullaahi Beeryare, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Militariga, oo ah unug ay Turkey dhistay kaddib tababbarro ay siisay ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan cutubka Gorgor; Col. Raage, Taliyaha Howlgallada NISA; iyo Aadan Dheere, Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee hoostaga Madaxtooyada Soomaaliya.

DHEERAAD:  WARBIXIN | Sidee isugu -soo dhawaatay siyaasadda KGS & tan MD Xasan , maxase ka dhaqaan galay heshiiskii mucaaradka iyo Laftagareen.

Kulanka waxaa sidoo kale ku biiray Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, oo magaciisa afgarashada yahay “Jaamac”. Ilo xog-ogaal ah ayaa ku andacoonaya in Jaamac uu ahaa qofka bixiyay amarka lagu beegsanayo guriga Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta, Gen. Mahad Cabdiraxmaan.

Jaamac ayaa sidoo kale ah ku-simaha Madaxweynaha Soomaaliya marka uu madaxweynuhu dalka ka maqan yahay, sida uu qabo Dastuurka Soomaaliya. Sida uu sheegay sarkaalka NISA, taasi ayaa ka mid ahayd sababaha uu kulanka uga qeyb galay.

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa Kaab TV u sheegay in Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, uu ka qeyb galay kulanka, balse uusan ku jirin saraakiishii gaaray go’aanka duqeynta.

“Go’aanka duqeynta in la qaado wuxuu ka yimid codsi uu soo gudbiyay Aadan Madoobe oo ah hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, waxaana saxiixa bixiyay Jaamac maadaama uu yahay ku-simaha madaxweynaha,” ayuu yiri sarkaalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Xiisadda Baydhabo

Ciidamada taageersan Laftagareen ayaa Khamiistii, 3 September, weerar ku qaaday Baydhabo, halkaas oo ay dagaal culus kula galeen ciidamada Aadan Madoobe iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay taageerayso Turkey.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkey ayaa hore duqeymo uga geystay duleedka Baydhabo, iyagoo la sheegay inay ka hortagayaan weerarrada ciidamada taageersan Laftagareen oo tan iyo bishii June isku dayayey inay weerarro ka fuliyaan Baydhabo.

Sida xogta Kaab TV heshay ay muujineyso, kulanka Muqdisho ayaa markii hore looga hadlayay xaaladda magaalada Baydhabo iyo xiisadaha ka taagan halkaas. Hase yeeshee, ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in intii uu kulanku socday lagu go’aamiyay in la qaado weerarka lagu beegsaday Doolow.

Guddoomiyaha degmada Doolow, Maxamed Xasan Lafayey, oo Axaddii ka hadlay dibadbax ka dhacay magaalada, ayaa ku tilmaamay weerarka “isku day khaarijin oo ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka”, isagoo si adag ugu eedeeyay Turkey inay ka dambeysay.

DHEERAAD:  Biden iyo Trump oo ay dhexmartay doog adag iyo Biden oo looga guleystay doodaasi

“Kama hari doono Turkey iyo waxa la mid ah,” ayuu yiri Lafayey.

Suxufiyiinta Doolow oo Kaab TV la hadlay kaddib weerarka ayaa sheegay in magaalada laga maqlay guuxa diyaarad ka imaanaysay dhanka Beledxaawo.

“Waxaan maqalnay guuxa diyaarad, taas oo dhowr daqiiqo hawada ku jirtay. Ka dib, mar qura ayaan maqalnay jug weyn oo aan moodnay inuu dhulku go’ay,” ayuu yiri wariye Maxamuud Cabdi.

Maxamuud wuxuu sheegay in jugta la maqlay intii u dhexeysay 11:00 habeenimo iyo 12:00 saqdii dhexe, balse markii hore aysan garan halka uu weerarku ka dhacay.

“Markii aan wicitaanno sameeyay ayaa la ii sheegay in duqeyn ay dhacday. Subaxdii waxaan aragnay guriga General Shub oo burburay, halkaas oo dadku isugu soo baxeen si ay u arkaan waxa dhacay,” ayuu yiri wariyaha.

Sawirro ay goobta ka soo qaadeen weriyayaal ayaa muujinaya baaxadda burburka ka dhashay duqeynta. Guriga waxaa deggenaa Gen. Shub iyo qoyskiisa oo dhawaan kasoo laabtay Kenya.

Doorka Gen. Shub iyo Laftagareen

Ilo ka tirsan NISA ayaa sheegaya in Gen. Shub, oo sidoo kale ah soddogga Cabdicasiis Laftagareen, uu Doolow ka abaabulayay hawlgallo ka dhan ah maamulka Aadan Madoobe, kaas oo Dowladda Federaalka ay Baydhabo geysay, kaddib markii si xoog ah xilka looga qaaday Laftagareen.

Aadan Madoobe ayaa hoggaanka Koonfur Galbeed la wareegay kaddib doorasho muran dhalisay oo dhacday bishii June 2026.

Cabdicasiis Laftagareen [midigta iyo Gen. Mahad Cabdiraxmaan 'Shub' [bidix].
Cabdicasiis Laftagareen [midigta iyo Gen. Mahad Cabdiraxmaan ‘Shub’ [bidix].
Laftagareen ayaa Nairobi, Kenya, ka dhigtay xaruntiisa siyaasadeed, waxaana uu halkaas ka bilaabay abaabul iyo hawlgallo ay ciidamadiisu ku beegsanayaan maamulka Aadan Madoobe ee Baydhabo. Labada dhinac ayaa tan iyo bishii June waxaa dhex maray dagaallo hubeysan.

Jubaland oo cambaareysay weerarka

Maamulka Jubaland ayaa war saxaafadeed ku cambaareeyay weerarka, waxayna ka digeen khatarta weerarro kale oo loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lala beegsado madaxda mucaaradka ee ka soo horjeeda maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ficilkan wuxuushnimada ah wuxuu astaan u yahay sida madaxweynaha sharci-darrada xukunka ku jooga iyo dowladda tunka ku wadata ee Turkiga ay meel halis ah ugu sii wadaan dalka, taas oo waqti horeba la sii arki karay saameynta iyo caadooyinka xun ee ay dalkeenna ku reebayaan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Warfaafinta Jubaland.

DHEERAAD:  Al-Shabaab oo sii daayay shan oday dhaqameed oo bishii Febraayo ay ka afdubteen magaalada Ceelwaaq

“Ugu dambeyntii, tallaabadan waxay horseedaysaa in Dowladda Turkiga aan loo arki doonin wixii hadda ka dambeeya inay qeyb ka noqon karto dadaallada xal-raadinta iyo dhexdhexaadinta arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay caqabad ku tahay wada-hadallada iyo isu-soo dhawaanshaha dadka kala aragti duwan ee Soomaaliyeed, maadaama ay caddaysay inay garab buuxa u tahay dhinac gaar ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mas’uuliyiin Jubaland iyo dadweyne ayaa ka qeyb galay mudaaharaadyo lagu cambaareeyay duqeynta iyo hawlgalka Turkey ee Soomaaliya oo ka dhacay magaalooyinka Doolow, Kismaayo iyo Garbahaarey.

Jubaland ayaa sidoo kale dalbatay in Soomaaliya dib loogu soo celiyo cunaqabateynta hubka.

Dhankiisa, Cabdicasiis Laftagareen ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in weerarka ay geysteen xubno Soomaali ah iyo Turkey, isla markaana uu ahaa weerar dhanka cirka ah.

Kaab TV ayaa sidoo kale ogaatay in khubaro amni oo ajnabi ah ay tageen degmada Doolow, kuwaas oo baaritaanno ka sameeyay goobta, isla markaana qaaday raadad iyo agab la xiriira duqeynta.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Jimcihii, 4 September, soo saartay war-saxaafadeed ay ku sheegtay inaysan “ku lug lahayn” duqeynta, waxayna sheegtay in la baarayo weerarka. Hase yeeshee, isla bayaanka ayaa lagu sheegay inay jiraan warar tilmaamaya in wax dhulka ka qarxay ay sababeen burburka, iyadoo aan dowladda bixin faahfaahin dheeraad ah ama caddeyn ku filan oo taageeraysa sheegashadaas.

Safaaradda Turkey ilaa hadda kama hadlin weerarkan iyo eedeymaha loo jeediyay.

Afhayeenka Baarlamaanka, Cabdiqaadir Maxamed Nuur “Jaamac”, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaan ka hadlin weerarkan. Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa diiday inuu wareysi ka bixiyo eedeymaha la xiriira weerarka.

Axmed Beeryare, Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Militariga, ayaa isna aan ka jawaabin codsi Kaab TV uu u diray oo ku saabsanaa eedeymaha iyo doorka uu kulanka ku lahaa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News