Shariif Sheekh Axmed oo beeniyay eedeymaha NISA, kana hadlay xaaladda amni ee hoygiisa

|

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa beeniyay eedeymo ay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ka soo saartay ilaaladiisa, isaga oo sheegay in warbixinta hay’addu aysan si sax ah uga tarjumayn dhacdooyinka ka dhacay agagaarka hoygiisa.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynihii hore ayaa lagu sheegay in maalmihii u dambeeyay ay jireen dhacdooyin amni oo walaac dhaliyay, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen jidgooyooyin iyo xannibaado saameeyay isu-socodka dadka iyo gaarsiinta adeegyada daruuriga ah ee deegaanka uu deggan yahay Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah shaqaalaha xarunta madaxweynihii hore la afduubtay, isla markaana ciidamo hubaysan la geeyay goobaha ku dhow hoygiisa. Sida lagu sheegay bayaanka, dhinaca Shariif Sheekh Axmed ayaa muujiyay dulqaad si looga fogaado iska horimaad hubaysan.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu baaqay hay’adaha amniga qaranka inay ka madax-bannaanaadaan loollanka siyaasadeed, isla markaana sharciga si siman loogu dhaqmo dhammaan muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Waxa uu sidoo kale ka digay in eedeymo amni oo aan si madax-bannaan loo xaqiijin loo adeegsado cadaadis siyaasadeed ama cabsi-gelin lagu beegsanayo mucaaradka.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn xiisad amni oo cusub, isaga oo ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wada-hadal, is-aaminaad iyo hannaan doorasho oo ay dhinacyadu ku heshiiyaan.

Ugu dambayn, xafiiska Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda dusha ka saaray mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhalan kara tallaabooyinka uu ku tilmaamay sharci-darrada, isaga oo ugu baaqay hay’adaha amniga, siyaasiyiinta iyo saaxiibbada caalamiga ah inay ka shaqeeyaan dejinta xaaladda iyo xal u helidda khilaafaadka taagan.

DHEERAAD:  Mareykanka oo digniin ka soo saaray xaaladda amni ee Doolo Zone ee Itoobiya

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News