Hindise Sharciyeedka Kufsiga oo Baarlamaanka la horgeeyay

|

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada, kaas oo muddo dheer horyaalay Golaha Shacabka, isla markaana la doonayo inuu xoojiyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo helitaanka caddaaladda ee dhibbanayaasha tacaddiyada.

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in sharcigan uu muhiim u yahay ilaalinta karaamada aadanaha iyo badqabka bulshada, gaar ahaan haweenka, carruurta iyo dadka kale ee nugul.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka, Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa soo dhoweysay ansixinta hindise sharciyeedka, iyadoo u mahadcelisay guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Shacabka sida ay u guteen waajibaadkooda dastuuriga ah.

Wasiirku waxay tilmaantay in hindise sharciyeedku uu soo maray marxalado kala duwan iyo muddo dheer oo uu horyaalay baarlamaanka, iyadoo xustay in ansixintiisu ay tallaabo muhiim ah u tahay xoojinta ilaalinta dhibbanayaasha iyo horumarinta nidaamka caddaaladda dalka.

Waxay sidoo kale bogaadisay doorkii ay ka qaateen geeddi-socodka sharci-dejinta Guddiga Xuquuqul Insaanka iyo Haweenka ee Golaha Shacabka, culimada Soomaaliyeed, bulshada rayidka ah iyo dhinacyadii kale ee ka qayb qaatay talooyinka, doodaha iyo dib-u-eegista hindise sharciyeedka.

Wasaaraddu waxay carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta hay’adaha dowladda iyo bulshada si loo horumariyo sharciyada ilaalinaya xuquuqda aadanaha, loona xoojiyo isla xisaabtanka iyo helitaanka caddaaladda.

Ansixinta hindise sharciyeedkan ayaa imanaysa iyadoo ilaalinta haweenka iyo carruurta iyo wax ka qabashada tacaddiyada ka dhanka ah dadka nugul ay ka mid yihiin arrimaha muhiimka ah ee u baahan hannaan sharci iyo caddaaladeed oo wax ku ool ah.

DHEERAAD:  Ciidamo badan oo lagu daadiyay Xaafadaha Baydhabo & Lafgareen oo doorasho qabsanaya

Wasiir Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ugu dambayn sheegtay in wasaaraddu sii wadi doonto dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo horumarinta sharciyada lagu xaqiijinayo badqabka iyo karaamada muwaadiniinta Soomaaliyeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News