Muqdisho (Kaab TV)– Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay khudbad dheer ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS, ayaa shaaciyay in dowladdiisa ay la kowsatay xaalad aad u murugsan oo amni iyo ciidan si weyn u kala qeybsan oo faraha kula jiray siyaasadda.
“Markii xilka dalka la ii doortay bishi May 2022, amniga dalka waxaa uu ku sugnaa xaalad aad u murugsan. Waxaan la kowsannay oo aan dhaxalnay ciidan si weyn u kala qaybsan oo faraha kula jira siyaasadda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in durbadiiba ay dowladdiisa qaaday tallaabooyin uu ku macneeyay “dhiig-joojin” iyo kuwa ku saleysan istraatiijiyada mustaqbalka dhow iyo midka fogba.
“Maanta oo aan xilka hayno muddo sannad ah, waxaan ku guuleysannay inaan xaalad middi hore aad uga wanaagsan oo lagu faani karo suurtagelinno. Waxaan dib u habaynay ciidamadda, waxaana dib u soo celinnay kala dambeyntooda iyo wada shaqayntooda kana fogeeynay in ay ku milmaan siyaasadda. ”
“Dadaaladaas iyo kuwa kaleba, waxey inoo sahleen in howgallada dib-u-hanashada amniga dalka iyo ciribtirka Al-Shabaab laga soo hoyo guulo waaweyn wax ku ool ah. Waxaa dib loo hantay oo gacanta geesiyaalka ciidamadda Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed soo galay dhul aad u ballaaran oo muddo toban sano ka badan ay ka talinayeen Al-Shabaab.”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu ka shanqadhiyay in dhawaan uu bilaaban doono wejiga 2-aad ee howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo uu sheegay inuu noqonayo midka lagu soo afjarayo jiritaanka Al-Shabaab haddii Alle oggolaado.