Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa ka socda kulamo siyaasadeed oo looga arrinsanayo xaaladda gobolka, tabashooyinka bulshada iyo mustaqbalka maamulka Hirshabeelle, kaddib markii siyaasiyiin iyo waxgarad reer Hiiraan ah ay saluug ka muujiyeen hannaankii loo maray dhismaha hoggaanka cusub ee maamulka.
Xildhibannada kala ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Macallin (Ciid), Cabdinaasir Xaaji Shirwac iyo Maxamed Cabdullaahi Buraale ayaa kulan gaar ah la yeeshay hoggaamiye ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle, Cabdifataax Xasan Afrax, oo ku sugan magaalada Beledweyne.
Kulanka ayaa ka dhacay guriga uu Cabdifataax Xasan Afrax ka deggan yahay xaafadda Ceeljaale ee magaalada Beledweyne, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee gobolka Hiiraan iyo dadaallada socda ee lagu doonayo in xal looga gaaro tabashooyinka jira.
Xildhibaannada oo Afrax ka dalbaday inuu garab istaago dadaallada Ugaas Yuusuf,Intii uu kulanku socday, xildhibaannada ayaa hoggaamiye ku-xigeenka Hirshabeelle ka dalbaday inuu u tanaasulo danta guud ee bulshada reer Hiiraan, isla markaana garab istaago dadaallada uu wado Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
Xildhibaannada ayaa u muuqday kuwo doonaya in Cabdifataax Afrax uu qayb ka noqdo dadaallada lagu mideynayo siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka, si loo helo xal siyaasadeed oo lagu wajaho khilaafka ka taagan dhismaha hoggaanka Hirshabeelle.
Dhankiisa, Cabdifataax Xasan Afrax ayaa xildhibaannada ka codsaday in waqti iyo fursad la siiyo si uu uga shaqeeyo xallinta tabashooyinka jira.
Sida xogta kulanka laga helay lagu sheegay, Afrax ayaa muujiyay in haddii dadaallada xal raadinta ay miro dhal noqon waayaan uu ugu dambeyn garab istaagi doono dadkiisa.
Hadalkaas ayaa muujinaya in hoggaamiye ku-xigeenku weli doonayo inuu fursad siiyo wada-hadalka, inkastoo cadaadiska siyaasadeed ee ka jira gobolka Hiiraan uu sii xoogeysanayo.
Kulankan ayaa imanaya maalin kaddib markii kulan kale uu ka dhacay beerta Bishaar Afey oo ku taalla duleedka magaalada Beledweyne, kaas oo dhexmaray Cabdifataax Xasan Afrax iyo xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
Ilaa hadda si rasmi ah looma shaacin waxyaabihii ay labada dhinac ka wada hadleen iyo natiijada kulankaas, balse kulamada isdaba-joogga ah ee ay siyaasiyiintu ka wadaan Beledweyne ayaa muujinaya dadaallo socda oo lagu raadinayo is-afgarad ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee gobolka.
Kulamadaas ayaa sidoo kale imaanaya xilli ay jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira dhismaha maamulka Hirshabeelle iyo doorka ay tahay inay bulshada Hiiraan ku yeelato hoggaanka maamulka.
Dhanka kale, xildhibaan Cabdirisaaq Cabdullaahi Macallin (Ciid) ayaa beertiisa ku taalla deegaanka Ceelgaal ee gobolka Hiiraan qado sharaf ugu sameeyay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.
Waxaa qado sharafta ka qaybgalay xildhibaannada Cabdinaasir Xaaji Shirwac iyo Maxamed Cabdullaahi Buraale, guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye iyo siyaasiga Maxamed Daahir.
Kulankan ayaa qayb ka ah kulamada iyo is-xogwaraysiga siyaasadeed ee ka socda gobolka, iyadoo Ugaas Yuusuf uu ka mid yahay dadka hormuudka ka ah dadaallada la xiriira tabashooyinka reer Hiiraan iyo sidii loo heli lahaa xal ay bulshada gobolka ku qanacsan tahay.
Magaalada Beledweyne ayaa hadda noqotay goob ay ku kulmayaan xildhibaanno, siyaasiyiin, waxgarad iyo hoggaamiyeyaal dhaqameed, kuwaas oo ka wada arrinsanaya jihada siyaasadeed ee gobolka Hiiraan.
Tabashooyinka laga qabo hannaanka dhismaha hoggaanka cusub ee Hirshabeelle ayaa sare u qaaday baahida loo qabo wada-hadal iyo heshiis siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin dhinacyada kala duwan ee gobolka.






