Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadallo siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed oo xasaasi ah ka jeediyay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, isagoo dowladda iyo shacabka Shiinaha uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dib-u-dhiska hay’adaha dalka iyo horumarinta waxbarashada.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Shiinuhu uu Soomaaliya garab taagnaa tan iyo xilligii ay dalka soo wajahday dhibaatooyinkii dowladnimo, isla markaana uu weli yahay dal taageera midnimada, madaxbannaanida iyo jiritaanka Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa si gaar ah uga hadlay kaalinta Shiinaha ee dib-u-habeynta iyo dhismaha jaamacadda uu khudbaddiisa ku xusay, isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay si weyn ugu mahadcelinayso kaalinta ay Beijing ka qaadanayso dib-u-qaabeynta, dhismaha iyo horumarinta xaruntaas waxbarasho.
Soomaaliya iyo Shiinaha oo leh dano istaraatiiji ah, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha ay ka dhexeeyaan dano badan oo ay labada dal ka mideysan yihiin, kuwaas oo uu ku tilmaamay kuwo taabanaya jiritaanka dowladnimada, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay Shiinaha u aragto saaxiib muhiim ah oo taageera qaranimada dalka, gaar ahaan xilli ay Soomaaliya wajahaysa caqabado siyaasadeed iyo kuwo diblomaasiyadeed.
Xiriirka labada dal ayaa muddo dheer ku dhisnaa iskaashi diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo horumarineed. Dowladda Soomaaliya ayaa hore u xaqiijisay inay taageersan tahay siyaasadda hal-Shiinaha, iyadoo Beijing u aqoonsan dowladda keliya ee matasha Shiinaha, Taiwan-na u aragta qayb ka mid ah dhulka Shiinaha.
Arrintan ayaa muujinaysa in xiriirka Muqdisho iyo Beijing uusan ku koobnayn mashaariic horumarineed oo keliya, balse uu sidoo kale leeyahay dhinac siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed oo muhiim ah.
Taiwan iyo Israa’iil oo Xasan Sheekh uu ku tilmaamay khataro kala duwan,Qodobka ugu xasaasisan ee hadalka Xasan Sheekh ayaa ahaa mowqifka Soomaaliya ee ku aaddan Taiwan iyo Israa’iil.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Taiwan ay ka mid tahay arrimaha khatarta ku ah madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isagoo arrintaas ku xiray mowqifka dowladda federaalka ee ku aaddan xiriirka Taiwan iyo Somaliland.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Israa’iil ku tilmaamay khatar weyn oo ku wajahan jiritaanka iyo midnimada Soomaaliya, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliya ay kala saarayso dalalka uu u arko inay halis ku yihiin qaranimada dalka iyo dalalka saaxiibbada ah ee garab taagan.
Israa’iil ayaa arrintan ku yeelatay meel gaar ah doodda siyaasadeed ee Soomaaliya, kaddib markii ay aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo dowladda federaalku si adag uga hortimid.
Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku muujiyay in Soomaaliya ay Shiinaha u aragto dal saaxiib la ah, isla markaana garab istaagay xilli dalka uu u baahnaa taageero caalami ah.
Wuxuu dowladda iyo shacabka Shiinaha uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isagoo sheegay in labada dal ay leeyihiin dano wadaag ah oo ay tahay in la sii xoojiyo.
Dhinaca Shiinaha, taageerada uu u muujiyo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya ayaa qayb ka ah mowqifkiisa diblomaasiyadeed ee ku aaddan ilaalinta midnimada dhuleed ee dalalka.
Beijing ayaa sidoo kale danaynaysa xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka Geeska Afrika, halka Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, amniga iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dalka.
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku daray dhaliil uu u jeediyay dadka ka soo horjeeda dowladdiisa, isagoo si gaar ah u xusay siyaasiyiin uu sheegay inay dalka ka tageen oo ay dibadda u aadeen.
Xasan Sheekh ayaa yiri: “Nin cararay oo ajnabi aaday maslaxadda kama keenin,” isagoo u muuqday inuu dhaliilayo siyaasiyiinta uu ku eedeeyo inay khilaafaadka gudaha u raadsadaan taageero ama garab dibadeed.
Hadalkaas ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay ka jirto xiisad siyaasadeed oo la xiriirta hannaanka doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Inkasta oo Xasan Sheekh uusan hadalkaas ku magacaabin qof gaar ah, haddana wuxuu muujinayaa sida ay u kala fog yihiin mowqifyada dowladda iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka.
Mucaaradka ayaa marar badan dowladda ku eedeeyay inay go’aannada siyaasadeed ee waaweyn ku qaadato hannaan aan heshiis buuxa laga gaarin, halka Villa Somalia ay ku adkaysato in tallaabooyinka ay qaadayso ay ku saleysan yihiin dowlad-dhisidda iyo hirgelinta nidaamka doorashooyinka.
“Afartii sano ee aan joogney gogol ayaan dhignay”Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, isagoo sheegay in dowladda uu hoggaamiyo ay muddadii afarta sano ahayd ee ay xilka haysay mar walba gogol wadahadal dhigtay.
Wuxuu sheegay in khilaafaadka jira ay u baahan yihiin xal, isla markaana dowladda ay diyaar u ahayd in dhinacyada siyaasadda ay wada hadlaan.
Hadalkan ayaa muhiim u ah xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, maadaama khilaafaadka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka ay saameyn ku yeesheen arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo xiriirka dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada.
Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa muddooyinkii dambe muujinaya dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo dowladda Beijing ay si isa soo taraysa u muujinayso taageerada ay u hayso midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Dhaqdhaqaaqyadan ayaa keenaya su’aalo ku saabsan jihada siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Xasan Sheekh, gaar ahaan xilli Soomaaliya ay wajahaysa caqabado amni, khilaafaad siyaasadeed oo gudaha ah iyo isbeddello ku socda xiriirka ay la leedahay dalalka reer Galbeedka.
Inkastoo aanay jirin caddeyn muujinaysa in Soomaaliya ay xiriirkii Mareykanka iyo dalalka reer Galbeedka ka leexatay oo ay si buuxda ugu wareegtay Shiinaha, haddana tallaabooyinka diblomaasiyadeed ee la qaaday waxay muujinayaan in Beijing ay ka mid tahay saaxiibbada istaraatiijiga ah ee Muqdisho doonayso inay sii xoojiso.
Shiinaha ayaa si joogto ah u sheegay inuu taageerayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana uu diiddan yahay tallaabo kasta oo uu u arko inay wax u dhimayso midnimada dalka.
22-kii May 2026, Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wang Yu, ayaa la kulmay Xasan Sheekh. Kulankaas waxaa looga hadlay xoojinta kalsoonida siyaasadeed iyo ballaarinta iskaashiga labada dal.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulankaas uga mahadceliyey Shiinaha taageerada uu u muujiyo midnimada dalka, isagoo mar kale xaqiijiyey in Soomaaliya ay ku dhaqanto siyaasadda hal Shiinaha.
Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha kuma koobna oo keliya taageero siyaasadeed, balse waxaa sidoo kale ku jira arrimaha difaaca iyo amniga.
13-kii Abriil 2026, ergayga gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Hu Changchun, ayaa booqday Soomaaliya, wuxuuna kulan la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh. Kulankaas waxaa looga hadlay horumarinta iskaashiga istaraatiijiga ah iyo xaaladda gobolka Geeska Afrika.
Sidoo kale, 9-kii Nofeembar 2026, Safiirka Shiinaha Wang Yu ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Shiinaha iyo arrimo kale oo ay dan wadaag ka leeyihiin.
Kulamadan ayaa muujinaya in xiriirka labada dal uu gaarayo dhinacyo kala duwan, iyadoo difaaca iyo amnigu ay ka mid yihiin meelaha la doonayo in iskaashiga lagu ballaariyo.
Soomaaliya waxay ku taallaa meel istaraatiiji ah oo isku xirta Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, taas oo ka dhigaysa dal muhiim u ah ganacsiga iyo isku socodka maraakiibta caalamiga ah.
Shiinaha ayaa dano dhaqaale iyo istaraatiiji ah ku leh gobolka Geeska Afrika, waxaana saldhiggiisa milatari ee dalka Jabuuti uu tusaale u yahay muhiimadda uu gobolka siinayo.
Dowladda Soomaaliya dhankeeda waxay u baahan tahay maalgelin, kaabayaal dhaqaale, taageero amni, tababar ciidan iyo iskaashi ganacsi. Beijing waxay ka mid noqon kartaa dalalka ay Muqdisho ka raadiso taageeradaas.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay doonaysaa inay hesho saaxiibbo caalami ah oo taageera mowqifkeeda ku saabsan midnimada dalka, gaar ahaan murannada la xiriira Somaliland iyo xiriirrada dibadda ee maamulkaas.
Mareykanka iyo reer Galbeedka ma laga leexanayaa?Su’aasha ugu weyn ee ka dhalanaysa xiriirka sii xoogeysanaya ee Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa ah in dowladda Xasan Sheekh ay wax ka beddelayso jihadii diblomaasiyadeed ee ay hore ugu tiirsanayd dalalka reer Galbeedka.
Mareykanka iyo dalalka Yurub aa weli door muhiim ah ku leh taageerada amniga Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gargaarka bani’aadannimo iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.
Waxaa jira dhowr arrimood oo Soomaaliya dan ugu jirto inay kala hadasho Shiinaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin taageerada amniga, maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta dekedaha, kalluumeysiga, ganacsiga iyo tababarka hay’adaha dowladda.
Xaaladda hadda jirta waxay muujinaysaa in Xasan Sheekh uu doonayo inuu xiriirka Shiinaha gaarsiiyo heer ka ballaaran kii hore, iyadoo labada dowladood ay sii xoojinayaan iskaashiga siyaasadeed, amni iyo dhaqaale.

