Taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya waxaa ku jira dhacdooyin muujinaya sida go’aannada degdegga ah, sacabka siyaasadeed iyo xisaab-xumada hoggaanka ay mararka qaarkood dalka ugu horseedi karaan xaalado adag oo saameeya mustaqbalkiisa.
Maanta waxaa soo baxaya su’aal kale oo muhiim ah: Soomaaliya ma waxay mar kale ku socotaa waddadii ay quwadaha shisheeye ugu tartami jireen saameynta siyaasadeed, dhaqaale iyo midda amni ee dalka?
Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud ee uu ku ammaanay dowladda Shiinaha, kuna tilmaamay saaxiib taageera midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, ayaa dib u soo nooleeyay dood ku saabsan jihada siyaasadda dibadda ee Muqdisho.
Su’aashu ma aha oo keliya in Soomaaliya xiriir wanaagsan la yeelato Shiinaha ama Mareykanka, balse waa sida ay uga faa’iideysan karto labada dhinac iyada oo aan madax-bannaanideeda siyaasadeed iyo danaha qarankeeda ku beddelan taageero dibadeed.
Soomaaliya ma aha dal markii ugu horreysay wajahaya tartanka quwadaha waaweyn. Xilligii Dagaalkii Qaboobaa, dalka wuxuu ku jiray loollan dhex marayay Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti, kuwaas oo mid walba doonayay inuu saameyn ku yeesho Geeska Afrika.
Xukuumaddii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre ayaa markii hore xiriir dhow la lahayd Midowgii Soofiyeeti, iyadoo Soomaaliya ka heshay taageero milateri iyo mid dhaqaale. Hase yeeshee, dagaalkii 1977–1978 ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa sababay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirradii caalamiga ahaa, markii Midowgii Soofiyeeti uu taageerada u weeciyay Itoobiya.
Soomaaliya ayaa markaas xiriir dhow la yeelatay Mareykanka iyo dalal kale oo reer Galbeed ah,Taariikhdaas waxay muujinaysaa in marka danaha quwadaha waaweyni is beddelaan, dalalka yaryar ama hay’adahoodu daciifka yihiin ay wajihi karaan cawaaqib siyaasadeed iyo amni oo culus.
Daraasad ay daabacday xarunta cilmi-baarista CIDOB ayaa tilmaantay in tartanka quwadaha shisheeye ee Geeska Afrika uu marar badan saameyn ku yeeshay xasilloonida gobolka, gaar ahaan marka hoggaamiyeyaasha gudaha ay isku dayaan inay taageero dibadeed u adeegsadaan loollankooda siyaasadeed.
Maxaa hadda Soomaaliya ugu soo jeediyay Shiinaha?Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkiisii ugu dambeeyay ku ammaanay dowladda iyo shacabka Shiinaha, isagoo sheegay inay Soomaaliya garab taagnaayeen xilliyadii adkaa, welina taageeraan.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay danaha ay labada dal wadaagaan, gaar ahaan ilaalinta midnimada dhuleed, madaxbannaanida iyo jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.
Arrinta Taiwan ayaa qayb muhiim ah ka ahayd hadalka xasan sheikh . Dowladda Shiinaha waxay Taiwan u aragtaa qayb ka mid ah dhulkeeda, halka dowladda Soomaaliya ay taageerto siyaasadda hal-Shiinaha.
Mowqifkaas ayaa xiriirka Muqdisho iyo Beijing siinaya dhinac diblomaasiyadeed oo muhiim ah, maadaama labada dowladood ay isku aragti ka yihiin arrimo la xiriira madaxbannaanida iyo aqoonsiga dowladnimo.
Dhanka kale, Soomaaliya waxay danaynaysaa taageerada Shiinaha ee kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada, ganacsiga, dhismaha iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Mareykanka iyo reer Galbeedka weli maxay uga dhigan yihiin Soomaaliya?Mareykanka iyo dalalka reer Galbeedka waxay muddo dheer ka mid ahaayeen saaxiibbada ugu muhiimsan ee Soomaaliya dhinacyada amniga, gargaarka bani’aadannimo, dhaqaalaha iyo dib-u-dhiska hay’adaha dowladda.
Mareykanka wuxuu Soomaaliya ka taageeray hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, tababarka ciidamada iyo taageerada hay’adaha amniga. Warbixin ay soo saartay Adeegga Cilmi-baarista Kongareeska Mareykanka (CRS) bishii Luulyo 2026 ayaa sheegtay in boqolaal askari oo Mareykan ah ay Soomaaliya ku sugan yihiin si ay ula taliyaan una taageeraan ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika.
Warbixintaasi waxay sidoo kale xustay kaalinta Mareykanka ee deeqaha bani’aadannimo, iskaashiga amniga iyo taageerada dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, xiriirka Muqdisho iyo Washington wuxuu wajahay khilaafyo. Bishii Janaayo 2026, Mareykanka ayaa horay u hakiyay qaar ka mid ah kaalmadii dowladda Soomaaliya, kaddib muran ka dhashay bakhaar ay maamuleysay Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) oo ku yaallay Muqdisho.
Dhacdadaas waxay muujisay in xiriirka labada dal uu leeyahay dano wadaag ah, balse ay sidoo kale jiraan khilaafyo saameyn kara iskaashiga.
Sidaas darteed, Soomaaliya haddii ay xoojinayso xiriirka Shiinaha, weli waxay u baahan tahay inay qiimeyso saameynta uu go’aankaasi ku yeelan karo xiriirka ay la leedahay Washington iyo dalalka reer Galbeedka.
Shiinaha iyo Mareykanka maxay ka raadinayaan Geeska Afrika?Geeska Afrika wuxuu leeyahay muhiimad istaraatiiji ah oo ka weyn xuduudaha dalalka ku yaalla. Wuxuu ku dhow yahay Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo marin-biyoodka Baabul-Mandab, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga caalamka.
Mareykanka wuxuu gobolka ka leeyahay dano amni iyo mid la dagaallanka kooxaha hubeysan, halka Shiinuhu uu danaynayo ganacsiga, maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo ilaalinta marinnada uu ganacsigiisu ku tiirsan yahay.
Jabuuti ayaa tusaale cad u ah sida quwadaha kala duwan ay ugu tartamayaan saameynta Geeska Afrika. Mareykanka, Shiinaha iyo dalal kale ayaa halkaas ku leh saldhigyo iyo joogitaan istaraatiiji ah.
Daraasadda CIDOB waxay sharxaysaa in tartanka quwadaha waaweyn uu gobolka ku abuuri karo fursado dhaqaale, laakiin haddii loollankaasi isu beddelo iska horimaad dano shisheeye, uu sidoo kale keeni karo xasillooni-darro.
Soomaaliya, oo leh xeeb dheer iyo meel juqraafi ahaan muhiim ah, waxay qayb ka tahay tartankaas sii xoogeysanaya.
Ma suuragal baa in Soomaaliya noqoto goob ay quwaduhu ku loollamaan?
Jawaabtu waa haa, waana suurtagal in tartanka saameynta ee Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale uu Soomaaliya ku yeesho saameyn sii kordheysa.
Warbixin ay Chatham House soo saartay 16-kii Oktoobar 2026 ayaa ka digtay in loollanka quwadaha dibadda uu sii adkeyn karo xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan marka siyaasiyiinta gudaha ay taageero shisheeye u raadsadaan si ay uga adkaadaan tartamayaashooda gudaha.
Warbixintu waxay tilmaantay in khilaafaadka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada ay sii adkeyn karaan xaaladda, haddii dhinacyadu ay dano dibadeed u adeegsadaan xoojinta awooddooda siyaasadeed.
Tani waxay Soomaaliya gelin kartaa xaalad ay quwadaha shisheeye ku kala taageeraan dhinacyo kala duwan, taas oo dhaawici karta midnimada siyaasadeed iyo wadajirka hay’adaha dowladda.
Maxaa ka dhalan kara haddii loollanku Soomaaliya ku bato?
Haddii dowladda federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay xiriirro dibadeed u adeegsadaan loollankooda gudaha, waxaa dhici karta in khilaafka siyaasadeed uu yeesho dhinac caalami ah.
Tusaale ahaan, haddii dhinac kasta uu taageero ka raadsado dalal kala duwan, waxaa adkaan karta in la helo heshiis siyaasadeed oo Soomaaliyeed oo aan ku xirnayn danaha dibadda.
Soomaaliya waxay u baahan tahay maalgashi, deeqo, gargaar iyo taageero dibadeed. Haddii ay xiriirka dalalka waaweyn u maareyn weydo si dheellitiran, waxaa dhici karta in qaar ka mid ah iskaashiyadaas ay gaabis noqdaan ama shuruudo siyaasadeed lagu xiro.
Haddii iskaashiga amniga ee Soomaaliya la leedahay dalalka kala duwan uu noqdo mid ku xiran tartan siyaasadeed, waxaa adkaan karta isku-duwidda hawlgallada iyo dhismaha ciidamo qaran oo mideysan.
Waxaa sidoo kale ka faa’iideysan kara Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan, kuwaas oo ka faa’iideysan kara khilaafaadka siyaasadeed iyo kala daadsanaanta hay’adaha amniga.
Xeebaha Soomaaliya, dekedaha, kalluumeysiga iyo kheyraadka dabiiciga ah ayaa ah arrimo ay danayn karaan quwadaha caalamka.
Haddii heshiisyada maalgashiga iyo dekedaha aan lagu maamulin hannaan hufan oo qaran, waxaa dhici karta in khilaaf ka dhasho cidda leh awoodda go’aan ka gaarista kheyraadka iyo heshiisyada istaraatiijiga ah.
Khatarta ugu weyn ma aha in Soomaaliya xiriir la yeelato Shiinaha ama Mareykanka, balse waa haddii go’aannada muhiimka ah ee dalka ay ku xirnaadaan rabitaanka dalal shisheeye.
Dal madax-bannaan waa inuu awood u yeeshaa inuu xiriir la yeesho dowlado kala duwan, isagoo ilaalinaya dastuurkiisa, midnimadiisa iyo danaha shacabka.
Soomaaliya ma dooran kartaa Shiinaha iyadoo aan lumin Mareykanka?
Diblomaasiyadda casriga ah khasab kama dhigto in dal uu hal dhinac raaco oo uu kan kale ka tago.
Soomaaliya waxay la yeelan kartaa Shiinaha iskaashi waxbarasho, ganacsi, dhismo iyo maalgashi, iyadoo isla waqtigaas sii wadanaysa xiriirka Mareykanka ee amniga, gargaarka iyo horumarinta hay’adaha.
Sidoo kale waxay sii xoojin kartaa xiriirka Midowga Yurub, Ingiriiska, Turkiga, dalalka Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah.
Daraasad cilmiyeed oo 2026 lagu daabacay joornaalka Frontiers in Political Science, laguna sameeyay cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa ka hadashay fursadaha siyaasadda dibadda ee Soomaaliya xilli uu sii xoogeysanayo tartanka quwadaha caalamka.
Daraasaddu waxay tilmaantay in Soomaaliya ay adeegsan karto siyaasad xiriirro kala duwan lagu maareeyo, iyadoo aan hal dhinac si buuxda ugu tiirsanaan. Hase yeeshee, waxay ku xirtay guusha arrintaas jiritaanka hay’ado xooggan, isku-duwid siyaasadeed, mudnaano qaran oo cad iyo awoodda dowladda ee maaraynta iskaashiyada kala duwan.
Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan khasab ku ahayn inay kala doorato Shiinaha iyo Mareykanka, balse ay u baahan tahay siyaasad dibadeed oo ku dhisan dano qaran oo la isla oggol yahay.
Hoggaanka Soomaaliya maxaa laga doonayaa?Waxaa muhiim ah in heshiisyada lala galayo dowladaha shisheeye aysan noqon go’aanno ku dhisan sacab, xamaasad siyaasadeed ama rabitaanka qof xil haya.
Heshiis kasta oo taabanaya dekedaha, amniga, kheyraadka dabiiciga ah, waxbarashada iyo maalgashiga waa in si cad loo qiimeeyaa, lana ogaadaa waxa Soomaaliya ka helayso iyo waxa ay bixinayso.

