Mareykanka ayaa kordhiyey awooddiisa milatari ee gobolka Bariga Dhexe, kaddib markii markabka dagaalka ee USS Theodore Roosevelt uu gaaray gobolka, isagoo ku biiray laba markab oo kale oo kuwa diyaaradaha dagaalka qaada ah oo hore uga howlgalayay aagga mas’uuliyadda Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM).
Sida ay baahisay warbaahinta The National, imaatinka markabkan ayaa tirada maraakiibta waaweyn ee Mareykanka ee gobolka ka dhigaya saddex, arrintaas oo Washington siinaysa awood dheeraad ah oo ay ku fulin karto hawlgallo milatari haddii xiisadaha gobolka ay sii kordhaan.
Dhaqdhaqaaqan milatari ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan walaacyada laga qabo suuragalnimada iska horimaad cusub oo dhex mara Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan, iyadoo gobolka uu wajahayo xaalad amni oo aan la saadaalin karin halka ay ku dambeyn doonto.
Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Cabbaas Caraaqji, ayaa ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga dhinaca tamarta ee Iiraan iyo dalalka deriska la ah ee soo saara shidaalka iyo gaaska. Wuxuu sidoo kale ka digay in weerarro cusub oo Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadaan dalkiisa ay halis gelin karaan xasilloonida guud ee Bariga Dhexe.
Ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa iyaguna sheegay in maraakiib shidaal oo marayay qaybta koonfureed ee marin-biyoodka Hormuz, iyagoo aan haysan oggolaansho, ay ku dhaceen miinooyin badeed, dabna uu qabsaday.
Si kastaba ha ahaatee, sheegashada Iiraan ee ku saabsan miinooyinka badda iyo maraakiibta shidaalka ayaan weli helin xaqiijin madax-bannaan.
Marin-biyoodka Hormuz ayaa ah mid ka mid ah marinnada ugu muhiimsan dunida ee shidaalka lagu kala qaado, waxaana xiisad kasta oo ka dhacda halkaas ay saameyn ku yeelan kartaa suuqyada tamarta iyo ganacsiga caalamiga ah.
Kororka joogitaanka ciidamada Mareykanka iyo digniinaha ka imaanaya Tehran ayaa muujinaya in Bariga Dhexe uu wajahayo xaalad xasaasi ah, iyadoo indhaha caalamku ay ku sii jeedaan tallaabada xigta ee Washington iyo jawaabta Iiraan.

