Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa booqanaya xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland ee 54-aad, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula yeelanayo saraakiisha ciidamada.
Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda amni ee deegaannada buuraha Calmiskaad iyo Calmadow ee silsiladda buuraha Golis, halkaas oo ciidamada Puntland ay ka wadaan hawlgallo ka dhan ah kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, iyo kooxaha kale ee hubka sharci-darrada ah ku haysta deegaannada Puntland.
Sida ay sheegeen saraakiil ku sugan magaalada Garoowe, waxaa qorshuhu yahay in hawlgalka Calmiskaad la gaarsiiyo heer gabagabo ah, iyadoo la dhammaystirayo wejiyada u harsan hawlgalkaas, ka hor inta aan la bilaabin hawlgalka cusub ee Onkod oo laga fulin doono buuraha Calmadow.
Hawlgalka Calmadow ayaa la sheegay inuu yahay qorshe ay iska kaashanayaan Dowladda Puntland iyo dowladaha Mareykanka, Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, iyadoo ujeeddadiisu tahay in kooxda Al-Shabaab laga saaro guud ahaan dhulka buuraleyda ah ee Calmadow.
Booqashada Madaxweyne Deni ayaa kusoo aadeysa xilli Puntland ay xoogga saareyso dhammaystirka hawlgallada milatari iyo xoojinta amniga deegaannada buuraleyda ah.
Waxaa la filayaa in kulamada madaxweynaha iyo saraakiisha ciidanka ay ka soo baxaan qorshayaal ku saabsan diyaarinta ciidamada, taageerada hawlgallada iyo tallaabooyinka xiga ee lagu wajahayo kooxaha hubeysan.
Hase yeeshee, weli lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee la bilaabayo hawlgalka Onkod iyo faahfaahinta qorshaha milatari ee laga fulin doono buuraha Calmadow.

