Hargeysa (Kaab TV) – Xukuumada Soomaaliland ayaa sheegtay in ay fashiliyeen qarax ismiidaamin ah, kaasi oo dhacay subaxnimadii maanta.
Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliland ayaa shaaca ka qaaday in lixda qof iyo walxaha qarxa siday oo qorsheynayay weerarkaas ismiidaaminta ah ayaa kuqarxeen tuulada Siixawle.
“Labo kamid dadkii geystay qaraxaas ayaa kunafwaayay qaraxaas iyadoo afartii kale ay usuurta gashay in ka baxsadaan goobta” ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliland.
Tuulada Siixawle ayaa waxa ay kutaala inta udhaxeysa Yagoori iyo Samakaab waxa ayna katirsantahy gobolka Sool ayadoo wax aan badneen ujirta magaalada Laascaanood oo ku dagaal sanyihiin Soomaaliland iyo kuwa SSC.
Qoraalka kasoo baxay Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliland ayaa waxa laga aqrisan karaa in qaraxa in uusan aheyn mid kutala gal uga dhacay meel aan aan aheyn goobtii loogu tala galay in uu kadhoco kadib markii ay kahortageen ciidanka Soomaaliland.
“Waxan sicad uqeexeenaa in beesha caalamka si wadajir ah uga shaqeeyan ladagaalanka argagixisada lana sameeyo wadashaqeen iyo iskaashi sirdoon si aan uga hortagno dhagarta ay maleegayaan argagixisada”
Sidoo kale Soomaaliland ayaa sheegtay in aysan marna ogolaan doonin falalka amni daro ee lidka ku ah xasiloonida xukuumada Soomaaliland ayna ciidamada amaanka utaagan yihiin xaqiijinta amniga iyo badqabka muwaadiniinta reer Soomaaliland.
Hasayeeshee Warka qoraalka ah ee kasoo baxay Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliland ayaa sidoo kale lagu in ay laamaha amaanka ay wadaan baaritaano laxiriira qaraxaas ayna wixii faahfaahin ah ay gadaal kala wadaagi doonaan dadka ku dhaqan deegaanada Soomaaliland iyo caalamka.