Muqdisho (Kaab TV) – Golaha Wasiirada Xukuumada federaalka Soomaaliya oo maanta kulan kuyeeshay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya kaas oo uu shir gudoominaayay R/Wasaare Xamze Cabdi Bare.
Kulankan ayey golaha Wasiirada kutaageeren go’aankii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaran ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.
R/Wasaare Xamze Cabdi Bare ayaa sheegay in xukuumadooda looga fadhiyo kashaqeenta, dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka oo fursad qaali u ah shacabka Soomaaliyeed meel walo ay dunida kajoogan.
Kulankan oo inta badan ay goobjoog ahaayeen xubnaha golaha Wasiirada asagoona diirada ay kusaareen dhaqan gelinta heshiiskii shirka golaha wadatashiga Qaran.
“Anaga ka xukuumad ahaan waxaa nasaaran waajib ah xoreynta dadka si ay u codeeyaan xuquuqdooda siyaasadeedna uhelaan” ayuu yiri R/Wasaare Xamze Cabdi Bare.
R/Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in looga baahanyahay ka xukuumadan ahaan inay xooga saaraan deyn cafinta, iyo dhameystirka Dastuurka oo muhiim u ah heshiiska.
“Hadafka Xukuumadda Danqaran waa in aynaan noqon Kacaan siyaasadeed oo cusub laakiin aynu noqono Kacaan amniga suga oo dalkan nabad kusoo celiya, dayn cafis keena, dastuurkana dhameystirno, oo geedi rays leh iyo deegaan barwaaqo ah dalka geeya” ayuu raaciyay hadalkiisa R/Wasaare Xamze Cabdi Bare.
R/W Xamze ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale mas’uuliyad gaar ah ay ka saaran tahay amniga, gaar ahaan xoreynta dalka, si looga saaro Al-Shabaab.
R/Wasaaraha ayaa ugu dambeyntii, waxa uu faray golaha wasiiradu in ay qaataan doorka kaga aadan hirgelinta hannaanka doorashooyinka, iyadoo shacabka fasiraad buuxda laga siinayo ahmiyada uu heshiisku u leeyahay bulshada Soomaaliyeed.