Muqdisho (Kaab TV) – R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa maanta markale si adag uga hadlay go’aankii dhawaan kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga Qaran.
Cumar Cabdirashiid ayaa markale maanta sheegay go’aankiisa diid mada oo ku aadanaa heshiiskii shirka golaha wadatashiga Qaran ee ahaa doorasho qof iyo cod ah madashaas oo ay kamaqneed Puntland.
R/Wasaarihii hore ayaa siween u dhaleeceeyay maamul goboleedyada wuxuuna sheegay in xilgaan aysan leheen fikir ay kumatalaan dadka madaama uu waqtigoodii sii dhamaanayo.
“Dad hadda waxaa jiraa ku dhahayo federaal system aduunka madaxweynuu leeyahay iyo ku xigeen Mareykankaa kamid ah, annaga Mareykan ma nihin dad hadda dagaal kasoo baxay ayaa nahay dal iyo State la dhisaayo ayaa nahay” ayuu yiri R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’ke.
Cumar Cabdirashiid ayaa tilmaamay in haddii lagu deg dego go’aankan inuu dalka kala qaybsamayo, isla-markaana uu khilaaf horleh imaanayo, sida uu hadalka u dhigay.
“Haddii sidaan afduubka ah lagu geeyo Baarlamaanka ee lagu ansixixo dalka iyo dadka wuu ku qaybsamayaa” ayuu mar kale wareysigan ku yiri R/Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’ke.
Sidoo kale wuxuu fariin udiray, gudoonka Baarlamaanka labadiisa gole isagoona sheegay in marka hore ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed lasiiyo fursad oo la arko taageeradooda, markaas kadib ayaa la ansixin karaa.
Cumar Cabdirashiid ayaa kasoo horjeestay nidaamka hada lakeenay ee ah in dalka uu yeelanayo madaxweyne kuxigeen oo meesha laga saaro xilka R/Wasaaraha.