SO | EN

SO | EN

Mooshin muddo kororsi ah oo berri la hor geynayo xildhibaanada golaha shacabka

|

Muqdisho (Kaab TV)– Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa berri la isugu yeeray si la hor geyo mooshin wax looga bedelayo muddo xileedka baarlamaanka iyo madaxtooyada dalka.

Guddi loo xil-saaray inay ka soo shaqeeyaan arrintaan ayaa la sugayaa inay berri golaha u soo gudbiyaan, kana hor akhriyaan mooshinkaas hadafkiisa yahay muddo kororsiga.

Shirkii golaha wadatashiga qaranka ayaa laga soo saaray in madaxdu ay isla qaateen in wax laga bedelo oo sanad lagu daro mudada xilheynta hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Ajendaha kulanka berri oo la sii sheegay in xildhibaanada loo soo gudbi doono mooshinka wax ka bedel loogu sameynayo dastuurka dalka.

Qodobka wax laga bedelayo waa mudada uu xilka heynayo madaxweynaha, isla markaana uu sii joogayo baarlamaanka oo hadda ah 4-sano, waxaana la qorsheynayaa in laga dhigaayo 5-sano.

1 Hindise sharciyeedka qaxootiga iyo magan-geliyo doonka.

2 Hindise sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.

3 Iyo hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka.

Seddaxdan hindise sharciyeed iyo mooshinka wax looga bedelayo qodobada dastuuriga ah ayaa berri loo gudbinayaa xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, sida caawa loo sheegay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News