SO | EN

SO | EN

Mareykanka, UK iyo Qatar oo malaayiin dollar siinaya Soomaaliya

|

Muqdisho (Kaab TV)– Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Qatar ayaa ku dhawaaqay taageero dhaqaale oo ay iska kaashanayaan saddexdaan dal, isla-markaana lagu caawinayo Soomaaliya, si wax looga qabto abaaraha weli ka jira gudaha dalka Soomaaliya.

Taageerada dhaqaale ee Soomaaliya lagu caawinayo ayaa gaareysa 10.5 milyan oo doolar oo loogu tala galay abaaraha ayaa lasiin doonaa dowladda federaalka Soomaaliya deeqdaan oo ay iska kaashanayaan sanduuqa horumarinta iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Mareykanka iyo Safaarada Ingiriiska ee magaalada Muqdisho.

Deeqdan dhaqaale ayaa loogu tala galay in looga hortago macluusha iyo wax ka qabashada saameyntii ka dhalatay abaarihii ka dhacay Soomaaliya 2021 iyo 2022.

Ergeyga Dowladda Ingiriiska ee arrimaha Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo ka hadlay iskaashigan saddex geesoodka ah ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen ay tahay mid muhiim ah, balse waxa uu sheegay in Soomaaliya aysan ku filneyn intaasi loona baahan yahay taageero kale si xal buuxa loogu helo dhibaatooyinka gudaha ee weli ka jira Soomaaliya.

“Tani waa mid muhiim ah, laakiin gargaarka bini’aadantinimo oo keliya ma xallin karo dhibaatada ka jirta Soomaaliya,” ayuu yiri Mike Nithavrianakis.

Sidoo kale 6.6 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa kunool cunto yari midaas oo ay ugu wacantahay rabshadaha kadhasha colaadaha.

Soomaaliya waxaa ku barakacay in ka badan saddex milyan oo qof, bishii Janaayo ee sanadkii hore ee 2022 kadib markii ay saameysay fatahaado iyo colaado.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News