SO | EN

SO | EN

R/Wasaare Xamze oo maanta Guddi Magacaabay

|

Muqdisho (Kaab TV) – R/Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre oo garowsan qiimaha iyo mudnaanta ay leedahay sanad guurada 63aad ee Gobannimada, Midnimada iyo dhalashadii Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxa uu magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Xuska Sanad guurada 63aad ee maalmaha xorriyadda oo ka kooban siddeed Wasiir iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Guddigaan oo uu guddoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha gudaha Xubnaha guddigan ayaa sidoo kale waxaa kamid ah; wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Biixi Iimaan Cige, wasiirka xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Xasan Xuseen Maxamed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Sidoo kale waxaa xubno kamid ah wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Daa’uud Aweys Jaamac, wasiirka amniga gudaha Maxamed Axmed Sheekh Cali Doodishe, wasiirka maaliyadda Dr. Cilmi Maxamed Nuur, wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Maxamuud Barre iyo wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Khadiija Maxamed Diiriye.

Hasayeeshee, guddigan cusub ee maanta uu magacaabay R/Wasaare Xamze ayaa ka shaqeyn doona qaban-qaabada xuska maalmaha xoriyadda oo aad muhiim ugu ah shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News