Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo R/Wasaaraha XFS ayaa casho Sharaf ugu sameeyay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku maamuusay Isimada Dhaqanka Gobollada Sool iyo Sanaag ee maalmahan ku sugnaa Muqdisho, si ay xaaladda deegaanka ula wadaagaan Madaxda heer Federaal.
Madaxweynaha ayaa soo dhaweeyey go’aammada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka soo saareen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, waxa uuna ku baaqay in fursad loo siiyo gurmadka iyo gargaarka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka deegaanku, loona abuuro jawi ku habboon waan-waanta iyo xalka nabadda.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey baaqii dowladda ee ku wajahnaa dhinacyada xiisadda Gobolka, kaas oo salku ku hayey in xal aan xabbad ahayn lagu wajaho, dowladda Federaalka Soomaaliyana ay ka go’an tahay in ay qaadato doorkeeda nabadeynta iyo fududeynta wada-xaajoodka, si loo joojiyo colaada.
Dhanka kale “Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay waxay soo dhaweynayaan dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya, Ethiopia iyo odayaasha dhaqanka ay ka wadaan gobolka Sool, si dagaalka loo joojiyo lana bilaawo wadahadal ay Soomaalidu garwadeen ka tahay.” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo golaha amaanka Qaramada Midoobay.
Waxaa kaloo ay golaha amaanka ay sheegeen in dhinacyada isku haya lagula xisaabtami doono mas’uuliyada saaran, si gaar ah kuwa jebiya shuruucda caalamiga ah ama geysta xad gudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha, sidoo kale goluhu waxey baaq udireen deeq bixiyeyaasha in ey sida ugu dhaqsiyaha badan u dardar galiyaan kaalmooyinka bani’aadannimo ee lasiinayo Soomaaliya.