SO | EN

SO | EN

Ciidanka dowladda Kenya oo qarax lagula eegtay duleedka magaalada Mandera

|

Nairobi (Kaab TV) – Faahfaahino dheeraad aha yaa kasoo baxaya qarax ka dhacay duleedka magaalada Mandera qaraxaas oo la eegtay cutubyo katirsan ciidanka Kenya, qaraxan oo geystay qasaare u badan dhaawac.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa qaraxa in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso ayaa la sheegayaa in waddada dhineceeda lagu aasay, qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay wateen ciidanka amaanka dalka Kenya kaas oo ku socdaalayay magaalada Mandera oo ku taala xadka labada dal ey wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi kudaraya, qaraxa in ay ku dhaawacmeen todobo askri oo katirsan ciidanka Kenya kuwaas oo loola cararay Isbitaal kuyaala magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in gaariga qaraxa lala beegsaday uu gabi ahaanba ku burburay goobta qaraxa lagula eegtay, sidoo kale ciidanka la qarxiyay ayaa kusii jeeday dhanka degmada CeelWaaq halkaas oo ay xero kulahaayeen sidoo kale qaraxa kadibna ay rasaas fureen.

Waxaa lagu soo waramayaa in hadda xaaladu tahay mid degan, dhanka kale saraakiisha laamaha amaanka dalka Kenya oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in haatan ay wadaan baaritaano ku aadan qaraxaas eyna ku eedeynayaan Kooxda Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa kusoo beegmaya xili dowladda Kenya ey ciidamo soo dhoobtay xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, si ay usugaan amniga ugana hortagaan weerarada Al-Shabaab, sidoo kale dhawaan ayey aheyd markii uu qarax ka dhacay magaalad Gaarisa kaas oo ay kudhinteen injineero udhashay dalka Kenya oo katirsanaa maamulka wadooyinka Kenya.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News