SO | EN

SO | EN

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaan katirsan Gobolka Galgaduud

|

Galcad (Kaab TV) – Ciidamada xoogga dalka ayaa howlgal  qorsheysan ay sameeyeen waxaa ay kula wareegeen degaanka Cali-cameey  oo u dhaxeeyo degaanada kala ah Galcad iyo Cali-heela oo katirsan Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in ka hor la wareegitaanka degaanka uu halkaasi dagaal xoogan ku dhexmaray Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Saraakiil u hadasahay ciidanka xoogga ayaa sheegay in muhiimadooda ugu weyn eytahy lawareegitaanka deegaanka Cowsweyne oo ay dareen sanyihiin in laga soo abaabulay weerarkii lagu qaaday xerada Masagawaa.

Sidoo kale howl-galkan ayaa wuxuu muhiim u yahay xadka ay wadagaan labada dowladd goboleed ee Hirshabelle iyo Galmudug, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale.

Hasayeeshee, howl-galkan ayaa kusoo aaday ayadoo dagaalka ka dhan Al-Shabaab uu ka joogsaday goboladda dalka, kuwaasi oo marka hore si xawli ah uga socday goboladda dalka.

Sidoo saraakiisha ayaa sheegtay in ey kuwajahan yihiin, deegaanada ey wali Al-Shabaab maamulaan oo ay kamid yihiin deegaanada kala ah, Ceelbuur, Galhareeri iyo Waxbo, oo ay Kooxda Al-Shabaab kasoo abaabulaan weerarada ey kuqaadaan xerooyinka ciidanka xoogga dalka ey kadagan yihiin gobolka Galgaduud.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News