SO | EN

SO | EN

Guddoomiyaha baarlamaanka Somaaliland oo iska casilay xilka

|

Laascaanood (Kaab TV)– Guddoomiyaha baarlamaanka wakiiladda ee Soomaaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sheegay inuu iska casilay xilka guddoomiye nimadda.

Guddoomiye Cabdirisaaq oo shir jiraa’id qabtay ayaa sheegay in uu iska casilay xilka guddoomiyaha golaha wakiiladda Soomaaliland.

“Waxaan iska casilay xilkii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinimadii golaha iyo xisbigii Waddani ee aan ka tirsanaa,” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif, sidoo kale wuxuu sheegay in uu iska dhaafay xubin nimadda ururka mucaaradka ee Waddani iyo gabi ahaanba in uu iska dhaafay siyaasada Soomaaliland.

Cabdirisaaq Khaliif oo ay Soomaaliland kala fogaadeen kadib dagaal kasocda Laascaanood, xukuumadda Soomaaliland ayaa dacwad ka gudbisay oo ay kudoonayaan in xilka laga qaado iyadoo ku edeysay in uu jabiyay dastuurka Soomaaliland iyadoo baryihii dambe ka shaqeyneysay sidii xilka looga qaadi lahaa.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa hore si adag u diiday duullaanka Muuse Biixi ku soo qaaday SSC-Khaatumo, gaar ahaanna shacabka reer Laascaanood, isaga oo ugu dambeyntiina la dareen noqday dadka deegaankiisa, oo dagaal kula jira Somaaliland.

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News