SO | EN

SO | EN

Xildhibaanadda BF kumatala K/Galbeed oo bayaan culus kasoo saaray xiisadda Baraawe

|

 Muqdisho (Kaab TV)– Xildhibaano iyo senatorro ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan deg deg ah ka yeeshay xiisadda ka taagan magaalada Baraawe ee caasimadda maamulka K/Galbeed.

Baraawe, ayaa waxaa ka taagan xiisad culus oo qaraxday gelinkii dambe ee shalay, kadib markii ay gudaha magaalada ku dagaalameen ciidamo ka kala tirsan militeriga Soomaaliya iyo daraawiishta K/Galbeed.

Xildhibaanada laga soo doorto K/Galbeed ayaa eedeyn culus u jeediyey ciidanka xoogga dalka ee ka howlgala magaaladaas, iyagoo sheegay in 10-kii sano ee lasoo dhaafay ay shacabka reer Baraawe dhibane u ahaayeen ciidankaas militeriga ah.

“Weerarkii shalay ay madaxtooyada K/Galbeed ku qaadeen ciidanka SNA, waxaa masuuliyadiisa qaadaya taliyaha ciidankaas Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale, wuxuu qalqal geliyey xasilloonida degmada Baraawe, wuxuuna caqabad ku yahay jiritaanka maamulka K/Galbeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay xildhibaanada.

“Waxaan cambaareyneynaa ciidanka ATMIS ee ka howlgala degmada Baraawe, waxay garoonka diyaaradaha ee degmadaas ku wareejiyeen maleeshiyaad qabiil oo sheegta SNA,” ayuu yiri Xildhibaankii akhriyey bayaanka Xildhibaanada.

“Dowladda federaalka waxaan ugu baaqeynaa in ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe lasoo qaado, kadibna laga qaado tallaabo waafaqsan tacadiga ey geysteen,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka xildhibaanada.

Sidoo kale war-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in ciidanka ATMIS ay askari dhaawac ah ku wareejiyeen ciidanka militeriga ah ee jooga Baraawe, kaas oo goobta lagu toogtay, sida lagu cadeeyey bayaankaan.

“Taliye Cabdiraxmaan isagoo huwan shaarka dowladda wuxuu 10-kii sano ee lasoo dhaafay dhibaato ku hayey shacabka degmada Baraawe, wuxuuna sarkaalkaan ka soo hor jeedaa jiritaanka dowladnimada K/Galbeed.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News