SO | EN

SO | EN

Xassan Shiikh oo saxiixay Magacaabista taliyaha XDS iyo taliyaha ciidanka Lugta

|

Muqdisho (Kaab TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, isagoo tixraacaya qodobbada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr. 15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka.

Taliyihii Ciidanka Lugta Jeneraal Biixi ayaa lagu beddelay Jeneraal Axmed Aadan Cali, halka Taliyihii ciidanka xoogga Jeneraal Odawaa lagu bedelay Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

Sidoo kale masuuliyadaha uu madaxweynuhu xusay kamid ah waajibaadkiisa waxaa ka mid ah inuu muhiimad gaar ah siiyo dhismaha ciidanka xoogga dalka oo si xowlihi ah ku socda.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha Cusub Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo dib u dhiska CXD.

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay Maanta oo Isniin ah, 19-ka Jannaayo 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News