Laascaanood (Kaab TV) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo u dhexeeyay ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC-Khaatuma oo xalay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood.
Dagaalka xoogiisa ayaa ka socdo aagga buuraha Hodan iyo Sayidka oo hoostaga Laascaanood oo ay ku dagaalamayaan labada dhinac.
Dagaalkan ayaa ka dhashay kadib weerar ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen fariisin ay leeyihiin kuwa SSC-Khaatumo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaalka oo illaa haatan ka socda bariga magaalada Laascaanood.
Ciidanka duulaanka soo qaaday ayaa iska caabin kala kulmay dhanka ciidamada deegaanka ee SSC ee haatan ku sugan furinta hore ee dagaalka.
Waxaana lagu soo waramayaa inay labada dhinac is weydaarsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Dhanka kale, madaafiic xoogan ayaa ku dhacday aagga lagu dagaalamayo, taas oo uga sii dareysa xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.
Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka uu saameyn ku yeeshay, isla-markaana maqlayaan dhawaqa hubka culus.
Sidoo kale ilaa hada macada qasaaraha kadhashay dagaalkan iyo halka uu gaarsiisanyahay mana jiraan wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac.
Malmihii dambe xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.