SO | EN

SO | EN

Guddoomiye Cawil Mataan oo kahadlay xaalada magaalada Garoowe

|

Garoowe (Kaab TV) – Guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cawil Mataan oo ka hadlay xaaladda guud ee magaalada Garoowe, kadib markii ay maalin kahor ku wada dagaalameen ciidanka ammaanka Puntland iyo kuwa  xubnaha mucaaradka ah.

Guddoomiye Cawil Mataan ayaa beeniyay wararka ku saabsan in weli khatar amni ay ka jirto gudaha magaalada Garoowe, kadib dagaalkii shalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe.

Sidoo kale guddomiyaha ayaa sheegay in haatan ay Garoowe amni tahay, isla-markaana ay dhaqan gashay xabad joojintii lagu dhawaaqay si dagaalka loo jiyo, loogana hortago xiisadda.

Dhanka kale wuxuu beeniyay in ciidamo hubeysan ay isku horfadhiyaan gudaha magaalada, taas oo aad loo hadal hayay saacadihii lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Wuxuu farriin u diray shacabka magaalada Garoowe, isaga oo ugu baaqay in aysan dhageysan been abuur uu sheegay inay faafinayaan shakhsiyaad leh dano gaar ah.

Waxaa weli socoda dadaallada lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda u dhexeyso xubnaha mucaaradka ah iyo madaxweyne Saciid Deni.

Sidoo kale Isimada dhaqanka  Puntland ayaa lagu wadaa in ay shir deg deg ah ka yeeshaan khilaafaadka siyaasadeed ee Garoowe, ayadoo wafdi horleh ay kusocdaan magaalada Garoowe.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News